Cabdiqaadir Macalin Jubba

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay C.Qadir Macalin Jubba)
Jump to navigation Jump to search
Haku khaldin Magaca Cabdiqaadir
File:Jubba11.jpg
Fanaanka C.Qaadir Juba.

CabdiQaadir, C.Qaadir Macalin Jubba waa fanaan Soomaaliyeed oo aad looga yaqaanno gayiga Soomaalida, kuna caan baxay magaca Wiilka Sanadka sababtoo ah wuxuu u cod fiican yahay dhammaan fanaaniinta ku heesa af-Soomaaliga.[1]

Sababtoo ah markuu soo baxay fanaanka C.Qaadir Jubba wuxuu aha mid aad u da' yar, cod fiican leh, isla markaana sida la sheego wuxuu ahaa mid qurux badan wuxuu si dhakhso badan ugu soo shaac baxay dhammaan dhulka ay degto somaliska. Sidoo kale, Jubba heesihiisa aad ayaa loo jeceyahay waana mid ka mid ah fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh umadda Soomaaliyeed. Fanaanka CabdiQaadir Macalin Jubba wuxuu uu ku dhashay magaalada muqdisho caasimadda Soomaaliya sanadki 1964-kii.

Heesaha Fanaanka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Fanaanka C.Qaadir Jubba wuxuu leeyahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.[2]

Fanaanku waxuu ka tirsanaa Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.[3]

Fanaankani wuxuu heeso badan la qaaday hobolo dumar oo badan, kuwaasi ooy ka mid yihiin fanaanada Xaliimo Khaliif Magool, Hibo Maxamed Hodoon[4] (Hibo Nuura), Khadro Daahir, Shamis Cabdi, Maandeeq, Saynab Cige iyo kuwo kale oo badan. Si kastaba ha ahaatee, heesaha Jubba aad ayay u badan yihiin, kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:

  • Heesta Googaa: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Hibo Nuura
  • Heesta Anigu Wali Sidiibaan[5]
  • Heesta Canab
  • Heesta Sahan
  • Heesta Gobanimodoon: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Hibo Nuura
  • Heesta Xasna
  • Heesta Bukaaso
  • Heesta Ila Xidh
  • Heesta Qiso
  • Heesta Daawo Dacalada: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Hibo Nuura
  • Heesta Qarni Waliba
  • Heesta Doobiga
  • Heesta Labalis
  • Heesta Way Helay Jacayl
  • Heesta Ayaan
  • Heesta Baarliin
  • Heesta Xasna
  • Heesta Bukaasa
  • Heesta Durdurada
  • Heesta Hargeysa
  • Heesta Nabad iyo Caano
  • Heesta Shirib
  • Heesta Sida Qiso
  • Heesta Balanbaalis
  • Heesta Bilaalna Adin
  • Heesta Hoobaan Bislaatey
  • Heesta Ii Imoow

Heesaha fanaankan waxaad ka dhageesan kartaa websitekan Halkan Riix.

Fanaaniinta Soomaaliyeed[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Fannaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.

Fanaaniinta Soomaaliyeed
Magaca Kooxda Wakhtiga Fanka Sawirka Faalo Kooban
Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo)
Maxamed Saleebaan Tubeec Hobolada Waaberi 1967dii ilaa 2010kii Boqorka Codka
Xaliima Khaliif Magool Hobolada Waaberi 1969kii ilaa 1993dii Boqorada Codka
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) Hobolada Waaberi 1974tii ilaa maanta Hooyada Fanka
Cabdi Tahliil Warsame (Tahliil) Hobolada Waaberi 1971dii ilaa maanta Cod Wanaagsane
Maxamed Nuur Giriig Hobolada Waaberi 1970kii ilaa
Qamar Maxamed Xuseen Hobolada Waaberi 1980kii ilaa 1994tii Gabadha Fanka
Saalax Qaasim Hobolada Waaberi Aabaha Fanka
Khadra Daahir Cige Hobolada Waaberi 1978kii ilaa hada
Khadra.jpg
Boqorada Fanka
Saado Cali Warsame Hobolada Waaberi 1979kii ilaa hada
Cabdi Nuur Alaale hobolada Jabuuti
  • Fanaanka ugu heesaha badan
Maxamed Mooge Hobolada Waaberi 1971dii ilaa 1988dii Madaalaha Fanka
Xasan Aaden Samatar Hobolada Waaberi
  • Libaaxa Fanka
  • Fanaanka labaad ee ugu heesa badan
Axmed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1973dii ilaa 1991dii
Maxamed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1962dii ilaa 1980dii
C.Qadir Macalin Jubba kooxda Waaberi 1979kii ilaa maanta Yarka Sanadka
Cumar Dhuule kooxda Ileys 1972kii ilaa 1998dii
Sahra Axmed kooxda Ileys/Hobolada Waaberi 1978dii ilaa 2004tii Quruxda Fanka
Faadumo Cabdilahi Maandeeq
Cabdule Yusuf Hanuuniye Hobolada Waaberi Ma daalaha Waaberi
Cumar Shooli
Axmed Naaji Sacad
Axmed Nuur Jaangow
Siciid Harawo
Axmed Yaasiin Digfeer
Shimaali Axmed Shimaali kooxda Dalmar/Kooxda Ileys 1982dii ilaa maanta Jeceeyloowga Fanka
Maxamed Xasan Lafoole
Cumar Dhuule Cali
Aamina Cabdilahi Xirsi
Kinsi Xaaji Aadan
Saalax Qaasim Naaji
Cawaale Aadan 2005tii ilaa maanta Xidigga Fanka

Xigasho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. "fanaan Soomaaliyeed oo aad looga yaqaanno gayiga Soomaalida"
  2. "Jubba waxuu leeyahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe"
  3. "Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed"
  4. "Heesaha Jubba iyo Hibo Maxamed Hodoon"
  5. qoraal ahaan halkan ka arag