Jacayl

Ka Wikipedia
Astaanta caalamiga ah ee jecaylka.
"Ài" waa erey Shiine ah oo macnihiisu yahay jecayl.

Jacayl, Cishqi ama Jecayl waa qiiro qof u qaado ama hayo shey kale. Sidoo kale, Jecaylku waa qadarin, sharfid, xushmayn iyo ixtiraam qoto dheer oo qof u hayo noole, shey, qof ama arin kale. Tusaale ahaan, jacaylka hooyo iyo aabo; jacaylka Alle; kan qof kale (lab ama dhidig); jaceylka shey ama walax sida baabuur, buug, filim, hees iwm. Guud ahaan, Jacaylku waa dareen qof u hayo wax kale noocuu doonaba ha ahaadee. Intaas waxaa dheer, jecaylku wuu noocyo iyo qaabab badan yahay, waxaana jira ugu yaraan toban nooc oo jacayl ah. Kuwaas waxaa ka mid ah:

Si kastaba ha ahaatee, Jecaylku waa dareen macaan naxariis, ixtiraam, ka fikir iyo la doonista wax fiican. Qofka jecaylku hayo wuxuu markasta rabaa in wax wanaagsan gaadhsiiyo qofka iyo waxa uu jecel yahay. Inta u badan, dadku waxay jecaylka ku sheegaan rabitaanka qof doonayo qof kale ayagoo isticmaalayaa erayo jaceyl Archived Juun 15, 2021 // Wayback Machine gaar ahaan erayo naxariis badan, sida wiil raba ama jecel gabadh iwm.

Jacaylku waa mid dunida ka soo jiray tani iyo wakhtiyadii ugu horeeysay dadka. Guud ahaan, jecaylka aadamaha waxaa loo kala saaraa afar qeybood:

1. Jecaylka dabiiciga: jacaylka dabiiciga ah waa kan qofku u hayo waalidkiis ama waalidku u hayo ilmahiisa. Intaas waxaa dheer, jecaylkan waa kan qofku u qaado cibaadada Alle, diinta nebiga ama nebiyada iyo wixii la hal maala. Jecaylka noocan ahi waa mid dabiici ah oo qofka ku abuurma wakhtiga dhalashada ilaa inta uu ka dhimanaayo, inkastoo jacaylka waalidku bilaabmo wakhtiga ugu horeeya nolosha qofka.
2. Saaxiibtinimo: jacayl caadi ah oo qofku u qaado asxaabtiisa, walaalihiis, xaaska ama seyga, sheey, marxalad iwm. Jecaylka noocan ahi waa mid degan oo ku salaysan ixtiraam, qadarin, sharaf iyo wanaag la doon. Sida caadiga ah qofku wuxuu bilaabaa jecaylkan wakhtiga uu qaangaadhka gaadho ama ku dhow yahay ee garaadkiisu inta u badan dhamaystiran yahay.
3. Naf-u-saaris: waa jacayl qeyral caadi ah taasi oo qofka wax jeceli diyaar u yahay in uu naftiisa/nafteeda u hibeeyso qof kale. Jecaylka noocan ahi inta u badan wuxuu dhex maraa labo qof oo kala jinsi (sex) duwan, sida wiil iyo gabadh. Sidoo kale, jacaylka naf-u-saarista ahi waa mid bedela shakhsiyada, dhaqanka iyo nolosha qofka uu hayo; waxaana mararka qaar lagu sheegaa waalni.
4. Jecaylka Galmo: jecaylka galmo (eros ama sex love) waa rabitaanka iyo hamiga galmo ama wasmo qof ka doonayo qof kale. Jecaylkani wuxuu ku salaysan yahay ficilka iyo samaynta galmo taas oo laga yaabo in labada qofba sidaasi rabaan ama mid ka mid ahi jecel yahay falkaasi. Inta u badan jecaylka galmo ma ahan mid qoto dheer, sababtoo ah labada qof iskuma hayaan dareen ka badan samaynta iyo falgalida galmada.

Jecayl

Sanab jira in ka badan 3,000 oo sano kaasi oo muujinaya jeceylka lab iyo dhedig.

Sidaan horay u soo sheegnay erayga jaceyl wuxuu leeyahay macno badan. Jecaylku waa dareen, Waa

naxariis, hami, doonid, ka firir, xaalad iyo rabitaan qof u qaado ama hayo shey, qof, walax ama wax kale. Intaas waxaa dheer, jacaylku waa ka helitaan (liking) badan ama saa'I'd ah oo qof u gaar ah taasi oo u hogaamisa wanaaga, naxariista iyo welwelka qofka uu jecel yahay. Jecaylka waxaa lid ku ah ama ka soo horjeeda nacayb (hate) oo iyadna ah dareen lid ku ah kan jecaylka.[1]

Taarikhda Jecaylka

Jeceylka waalidka waa kan ugu horeeya ee qofku la kulmo horaanta nolosha.

Ereyga Jacayl, sidii la doono ha loo isticmaalee, waa mid dadku aqoon u lahaayeen isla markaana adeegsan jireen tan iyo horaantii aadamaha. Dunida aan maanta ku nool nahay waxay ka kooban tahay wadano, bulshooyin, qabiilo, dowlado iyo dadyoow aad u badan; mid kastana wuxuu leeyahay erey ama kalmad uu u adeegsado jecaylka. Maadaama luuqaduhu kala duwan yihiin, bulshooyin badani waxay isticmaalaan in ka badan "hal eray" markeey sheegayaan jecaylka. Tusaale ahaan, wadanka Giriiga qabiilka loo yaqaan Agape waxay adeegsadaan ereyga ἀγάπη taasi oo macnaheedu tahay "jecaylka diini", halka eregya s'agapo (Σ'αγαπώ) ay u isticmaalaan "waan ku jecelahay". Tusaale labaad waa meelo ka mid ah dalka Shiinaha waxaa laga isticmaalaa kelmadaha wǒ ài nǐ (我愛你) oo macnaheedu tahay "jecayl" ama "waan ku jecelahay" labadaba waa loo adeegsadaa taasi oo u dhiganta qaabka wadanada reer galbeedku u qeexaan jecaylka. Laakiin sida caadiga ah dalka Shiinaha waxaa la isticmaalaa wǒ xǐhuān nǐ (我喜欢你) oo macnaheedu noqonayo "waan kaa helay" tan ayaa ah dhaqanka dadkaasi marka qof soo bandhigayo dareenkiisa iyo jecaylkiisa.[2]

Ilbaxnimooyinkii ugu horeeyay dunida, sida Baabiyloon, Assiyriya, Akkadiyaanka iyo guud ahaan deegaanada u dhexeeya labada webi ee kala ah Tigris iyo Furaat ee loo yaqaano Mesobotaamiya kuwaasi oo jirey wakhti hada laga joogo 3,000 sano ka hor, ayaa waxaa la sheegay in jecaylku caan ka ahaa bulshooyinkaas dhexdooda. Waxaa faahfaahin fiican laga helay gabayo iyo suugaan kale oo laga helay ilbaxnimooyinkaasi kuwaasi oo qeexaya qof jacayl daran u qaba qof kale."[3]

Qeybaha Jecaylka

Guud ahaan, Jacaylka aadamahu waa dareen qof u hayo qof ama dad kale noocuu doonaba ha ahaadee. Intaas waxaa dheer, jecaylku wuu noocyo iyo qaabab badan yahay, waxaana jira ugu yaraan toban nooc oo jacayl ah. Kuwaas waxaa ka mid ah: jacaylka diinta, jacaylka waalidka, jacaylka walaalaha, jacaylka ubadka (caruurta ama ciyaalka); jacaylka qof sida gabadh ama wiil isku hayaan ama mid ka mid ahi u qaado kan kale; jacaylka shey sida cunto, baabuur, buug, filim, hees iwm; jacaylka noole kale sida xayawaanka gurijooga ah ama loo yaqaano "bets"ka ey ka mid yihiin bisada, xoolo la dhaqdo iyo kuwo kale oo ka tirsan xayawaanka.[4]

Si kastaba ha ahaatee, Jecaylku waa dareen naxariis, ixtiraam, ka fikir iyo la doonista wax fiican. Qofka jecaylku hayo wuxuu markasta rabaa in wax wanaagsan gaadhsiiyo qofka iyo waxa uu jecel yahay. Inta u badan, dadku waxay jecaylka ku sheegaan rabitaanka qof doonayo qof kale, sida wiil raba ama jecel gabadh iwm.

Jacaylku waa mid dunida ka soo jiray tani iyo wakhtiyadii ugu horeeysay dadka. Guud ahaan, jecaylka aadamaha waxaa loo kala saaraa afar qeybood: Jecaylka dabiiciga, Saaxiibtinimo, Naf-u-saaris, iyo Jecaylka Galmo

Jecaylka Dabiiciga

Jacaylka dabiiciga ah waa kan qofku u hayo waalidkiis ama waalidku u hayo ilmahiisa. Intaas waxaa dheer, jecaylkan waa kan qofku u qaado cibaadada Alle, diinta nebiga ama nebiyada iyo wixii la hal maala. Jecaylka noocan ahi waa mid dabiici ah oo qofka ku abuurma wakhtiga dhalashada ilaa inta uu ka dhimanaayo, inkastoo jacaylka waalidku bilaabmo wakhtiga ugu horeeya nolosha qofka.

Saaxiibtinimo

Jacayl caadi ah oo qofku u qaado asxaabtiisa, walaalihiis, xaaska ama seyga, sheey, marxalad iwm. Jaceylka noocan ahi waa mid degan oo ku salaysan ixtiraam, qadarin, sharaf iyo wanaag la doon. Sida caadiga ah qofku wuxuu bilaabaa jecaylkan wakhtiga uu qaangaadhka gaadho ama ku dhow yahay ee garaadkiisu inta u badan dhamaystiran yahay.

Naf U Saaris

Jecaylka naf-u-saarista ah waa mid qeyral caadi ah taasi oo qofka wax jeceli diyaar u yahay in uu naftiisa/nafteeda u hibeeyso qof kale. Jecaylka noocan ahi inta u badan wuxuu dhex maraa labo qof oo kala jinsi (sex) duwan, sida wiil iyo gabadh. Sidoo kale, jacaylka naf-u-saarista ahi waa mid bedela shakhsiyada, dhaqanka iyo nolosha qofka uu hayo; waxaana mararka qaar lagu sheegaa waalni.[5]Dhaqanka Dunida

Jecaylka Galmo

Jecaylka galmo (eros ama sex love) waa rabitaanka iyo hamiga galmo ama wasmo qof ka doonayo qof kale. Jecaylkani wuxuu ku salaysan yahay ficilka iyo samaynta galmo taas oo laga yaabo in labada qofba sidaasi rabaan ama mid ka mid ahi jecel yahay falkaasi. Inta u badan jecaylka galmo ma ahan mid qoto dheer, sababtoo ah labada qof iskuma hayaan dareen ka badan samaynta iyo falgalida galmada."[6]

Diimaha iyo Jecaylka

Jacaylku wuxuu ka mid yahay sifooyinka Ilaahay oo ugu waaweyn. Diinta saxda ah waxay inagu guubaabisaa jacayl aan xaasidnimo lahayn. Waxay bartaa in la ixtiraamo qabiillada oo dhan, waxayna soo dhoweysaa dadka jinsi kasta, dhaqan kasta, qowmiyad kasta iyo luqad kasta. Jacayl awgiis, xubnaha diinta saxda ah dagaallo kama qaybqaataan. [7] “Idinku aad isu jeclaada, maxaa yeelay, jacaylku wuxuu qariyaa dembiyo faro badan.”. Nebi Muuse wuxuu yiri: “Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan.” [8] Dadka iimaanka runta ah haysta waxay tusaan jacaylkaas oo kale inay Ilaah u qabaan. Waxayna maamuusaan magaca Ilaahay Yehowah.[9]

Qoraalo La Mid Ah

Jacaylku wuxuu ka mid yahay sifooyinka Ilaahay oo ugu waaweyn

Ilaahay afartiisa sifooyin oo ugu weyn waa jacayl, caddaalad, awood iyo xigmad. Diinta saxda ah waxay inagu guubaabisaa jacayl aan xaasidnimo lahayn. Waxay bartaa in la ixtiraamo qabiillada oo dhan, waxayna soo dhoweysaa dadka jinsi kasta, dhaqan kasta, qowmiyad kasta iyo luqad kasta. Jacayl awgiis, xubnaha diinta saxda ah dagaallo kama qaybqaataan. [10]

“Jacaylku weligii ma idlaado”

„Jacaylku weligii ma idlaado” (Af-Boolish)

“Jacaylku Waa Hadiyadda U Weyn. Haddaan ku hadlo afafka dadka iyo malaa'igaha, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxaan noqday naxaas dhawaaqaysa ama saxan bir ah oo sanqadhaya oo kale. Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi. Oo wax kastaan leeyahay haddaan bixiyo oo masaakiinta ku quudiyo, iyo haddaan jidhkayga bixiyo in la gubo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ii tari maayo. Jacaylku waa samir badan yahay, waana raxiim, jacaylku ninna ma xasdo, jacaylku ma faano, mana kibro, wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro, xaqdarrada kuma farxo, laakiin wuxuu ku farxaa runta. Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa. Jacaylku weligii ma idlaado.”

“Waa kan jaceylka Ilaah, kaasoo ah inaynu qaynuunnadiisa xajinno, oo qaynuunnadiisuna ma cusla.”

“Cadowyadiinna jeclaada.”

“Jacaylku waa samir badan yahay, waana raxiim.”

“Jacaylku ninna ma xasdo.”

“Jacaylka ‘nafsaddiisa wax uma doondoono.’”

“Jacaylku ‘shar kuma fikiro.’”

“Jacaylku xaqdarrada kuma farxo.”

“Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.”

Xigasho