Qaangaadh

Ka Wikipedia

Qaangaadh ama hanaqaad sidoo kale loo yaqaano Qaangaar (ingiriis: Adult) waa marka qofku gaadho bilowga dhamaystirka koritaanka xubnaha jidhka.

Ilmaha dadka wuxuu ku qaangaadhaa 15 sano marka diinta Islamka la raacayo, laakiin wadanada reer galbeedka ilmuhu wuxuu ku qaangaadhaa 18 sano.

Marka labka dadku qaangaadho wuxuu yeeshaa muruqyo dhamaystiran, timo badan oo wejiga, kilkilooyinka iyo kaadi-haysta korkeeda ka soo baxa. Sidoo kale, ragu waxay yeeshaan biyaha manida oo dhamaystiran.

Dhinaca kale, dhediga dadku markey qaangaadh noqoto waxay yeelataa naaso ka soo taagan laabta, timo kilkilooyinka iyo kaadiheysta korkeeda ah, iyo dhiiga caadada ama xaydka loo yaqaan ee dumarka ka yimaada. Qofta dumarka ahi markeey qaangaadh noqoto waxaa diyaar noqda ugxanta ilma-galaha.