Furaat

Ka Wikipedia
Webiga Furaat

Fırat/ ܬܪܦ/פרת / Եփրատ

Euphrates/ﺍﻟﻔﺮﺍﺕ
wabiga Furaat meel u dhow magaalada Xalabiye ee dalka Suuriya.
Flag
Nickname(s): 
magacu wuxu ka yimid ereyga Beershiyaanka ah Ufrātu, taasi o ka timid ú-ip-ra-tu-iš
Webiga Furaat is located in Earth
Webiga Furaat
Webiga Furaat
Maabka labada webi Tigris iyo Furaat ee Mesobotaamiya ku dhex taalo.
Wadanada Ciraaq, Suuriya, Turkiga
Deegaanada uu soo dhex maro:Balikh, Khabur, Sajur
Magaalooyinka u dhex maro:Birekik, Ar-Raqqah, Deir el-Zoor, Mayadin, Xadisa, Ramadi,Xabbaniyah, Fallujah, Kufa, Samawah, Nasiriyah; Harta Assad, Harta Qadisiyah, Harta Xabbaniyah
Isha uu ka soo bilabmo:Harta Murat su ee dalka Turkiga
Area
2,800 km2 (1,100 sq mi)
 • Land500,000 km2 (200,000 sq mi)
Aag saacadeedUTC+2 (UTC)
Isku celcelis: 365 m3/s (12,572 cu ft/s)

Furaat (Ingiriis: Euphrates, Carabi: ﺍﻟﻔﺮﺍﺕ: "al-Furāt", Af-Turki: Fırat, Siyriyak: ܬܪܦ: "Prath", Yuhuud: פרת "Prat", Armeniyan: Եփրատ: "Yeprat") waa wabiga ugu dheer iyo kan ugu taariikh muhiimsan deegaanada galbeedka Aasiya. Marka lagu daro wabiga Tigris waa dhulka loo yaqaano Mesobotaamiya ee ilbaxnimada aadamuhu ka bilaabantey. Wabiga Furaat oo dhererkiisu yahay 2,800 km (1,740 mi) kaas oo ka soo bilaabma harada Murad Su ee bariga wadanka Turkiga; qiyaastii 25 km koonfurbari magaalada Kara Su, iyo 30 km ka dib meesha uu ka soo bilaabmo webiga Tigris.

Webiga Tigris iyo webiga Furaat waxay mid ka yihiin deegaanada loo yaqaano Mesobotaamiya oo ah meeshii ay ilbaxnimada aadamuhu ka bilaabantey.

Si guud loogu aqoonsaday ineey tahay meeshii ilbaxnimadu ka bilaabantay - wakhtigii Bronzeka - Mesobotaamiya waxaa ka dhex bilaabmay boqortooyooyin aad u badan oo kuwa ugu caansanaa ee deegaano badan gaadhay ka mid yihiin: boqortooyadii Baabiyloon, boqortooyadii Akkadiyaanka, boqortooyadii Asiyriyaanka, iyo boqortooyadii Sumeeriyaanka; kuwaas oo dhamaantood laga helo maanta wadanka Ciraaq, meelo yaryar oo ka mid ah waqooyibari wadanka Siiriya, xoogaa yar oo koonfurbari dalka Turkiga iyo meelo ka mid ah koonfurgalbeed dalalka Iiraan iyo Kuwayt.[1][2]


Qorniinka Quduuska ah waxay inoo sheegaan inay webiyada la yiraahdo Furaad (Yufraad) iyo Tigris (Xiddeqel) ay ka yimaaddeen Ceeden. Beerta Ceeden waxaa loo maleeyaa inay ku taallay meel maanta ah bariga Turki. Runtii, beerta Ceeden adduunka bay ku taallay. Ilaahay Aadan buu abuuray oo wuxuu dejiyay beerta Ceeden “inuu falo oo dhawro.”[3].

Webiga Tigris ee dhex mara magaalada Mosul ee dalka Ciraaq.

Qoraalo La Mid Ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]