Akkadiyaan

Ka Wikipedia

Akkadiyaan

Akkadiyaan
Maabka boqortooyadii Akkadiyaanka (midabka cowlan) iyo jihada ciidamada xoogu u socdeen (huruud).
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude.
CaasimadaAkkad
Luuqadaha & Diimaha:Akkadiyaan, Sumeriyaan
Nooca Maamul:Boqortooyo
Wakhtiga:2334 C.H ilaa 2193 C.H
Dowlada
Boqorka ugu awooda badna:
 • NuucaSaargoon (2334 ilaa 2279 C.H.)
Area
800,000 km2 (300,000 sq mi)
 • Land800,000 km2 (300,000 sq mi)
Aag saacadeedUTC+2 (UTC)

Akkadiyaan (ingiriis: Akkadian) waa boqortooyo hore oo maamuli jirtey magaalada Akkad iyo nawaaxigeeda ee deegaanadii hore ee Mesobotaamiya taasi oo midaysay dhamaan dadka ku hadla luuqadaha "Semiteka" iyo Sumeeriyaanka.

Qiyaastii 3000 sano C.H (Ciise Hortii) ayaa waxaa bilaabmay isdhexgalka bulshooyinka dadka ku hadla luuqada Semite oo ah Akkadiyaanka iyo bulsho weynta Sumeeriyaanka ooy jaar ahaayeen. Wakhti yar ka dib, Sumeeriyaanku waxay ku dhex milmeen Akkadiyaanka isla markaana ku midoobeen hal maamul oo ka dhexeeya.

Boqortooyada Akkadiyaanku waxay gaadhay meeshii ugu sareeysay qarnigii 24aad ilaa qarnigii 22aad C.H. wakhtigaas oo uu maamulaayay boqorkii isku xidhay Akkadiyaanka waa boqor Saargoon (Sargon) oo noolaa 2334 C.H ilaa 2279 C.H.

Mudo dheer ka bacdi, markii boqortooyadii Akkadiyaanku burburtey waxay u kala baxeen labo maamul oo dhex yaala degaanada mesobotaamiya kuwaas oo kala noqday: dadka ku hadla luuqada Semetikga ee deegaanada waqooyi oo samaystey Assiyriya; iyo kuwa koonfureed oo qarniyo ka dib yeeshay boqortooyada Baabiyloonta cusub.

Qoraalo La Mid Ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]