Durbaan

Ka Wikipedia
Haku khaldin narsada
durbaan

Durbaan, Durmaan (Af Ingiriis : drum; Af Carabi : ar‎) waa qalab ka samaysan alwaaxyo iyo harag la isku giijiyay kaasi oo la garaaco (tumo) si uu u sameeyo shanqadha cod muusig. Durbaanku wuxu ka mid yahay qalabka ugu da'da weyn ee dadku isticmaali jireen tan iyo horaantii ilbaxnimada.

Faalo

nooc ka mid ah durmaanka.

Durbaanku wuxuu ka samaysan yahay dahaar (inta ugu badan harag) lagu duubay weel adag (inta badan geed la qoray) kaasi oo lagu garaaco hal ama labo ulood ama gacmaha si uu u sameeyo shanqadh hadba nooca loo garaaco ku xidhan.[1] Sida badan durbaanka Waxaa garaaca hal qof kaasi oo isticmaalaya gacmaha ama ulo, Sidoo kale Waxaa jirta in tiro badab oo durmaano ah hal mar la wada garaaco si ay u sameeyaan shanqadh aad u balaadhan.

Isticmaalka

Ujeedada durbaanka loo isticmaalo waxay ku xidhan tahay dadka, deegaanka iyo dhaqanka. Laakiin guud ahaan Waxaa loo isticmaalaa in uu qurxiyo cod, hees, gabay, geeraar, ciyaar iyo wixii la mid ah. Tusaale ahaan, deegaanada dadka Soomaalida ku nool yihiin waxaa durmaanka la isticmaalaa wakhtiyada dabaaldega, xafladaha, arooska iyo wixii la mid ah.[2]

Muuqaal

Qoraalo La Xidhiidha

Linkiyo Banaanka

Tixraac

  1. Grove, George (January 2001). Stanley Sadie]], ed. (2nd ed.). Grove's Dictionaries of Music. pp. Volume 5, pp638–649. ISBN 1-56159-239-0.  Qoraalka "The New Grove Encyclopædia of Music and Musicians]]" la iska indho tiray (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Weiss, Rick (July 5, 1994). "Nuqul Archive". The Washington Post (Jul 5,1994). Waxaa laga kaydiyay the original Bisha Lixaad 29, 2011. Soo qaatay Bisha Tobnaad 8, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |access-date=, |archive-date= (caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: