Narso

Ka Wikipedia
Haku khaldin durbaan
narso

Narso (Af Ingiriis : bass drum; Af Carabi : ar‎) waa nooc ka mid ah durbaanka kaasi oo leh labo dhinac oo laga garaaco. Narsadu waxay kaga duwan tahay durbaanka waa qaabka ay u sameeysan tahay. Halka durbaanku inta ugu badan ka leeyahay hal dhinac oo laga garaaco si uu cod u sameeyo, narsadu waxay leedahay labo dhinac oo isku mar la garaaci karo. Sidoo kale narsadu waxay sameeysaa shanqadh ka fudud kan durmaanku sameeyo.

Guud ahan narsadu waa nooc ka mid ah durbaanka, kaasi oo ah qalab ka samaysan alwaaxyo iyo harag la isku giijiyay kaasi oo la garaaco (tumo) si uu u sameeyo shanqadha cod muusig. Durbaanku wuxu ka mid yahay qalabka ugu da'da weyn ee dadku isticmaali jireen tan iyo horaantii ilbaxnimada.

Faalo

nooc ka mid ah durbaanka.

Si la mid ah noocyada durbaanka ayaa narsadu waxat ka samaysan tahay dahaar (inta ugu badan harag) lagu duubay weel adag (inta badan geed la qoray) kaasi oo lagu garaaco hal ama labo ulood ama gacmaha si uu u sameeyo shanqadh hadba nooca loo garaaco ku xidhan.[1] Sida badan durbaanka Waxaa garaaca hal qof kaasi oo isticmaalaya gacmaha ama ulo, Sidoo kale Waxaa jirta in tiro badab oo durmaano ah hal mar la wada garaaco si ay u sameeyaan shanqadh aad u balaadhan.


Isticmaalka

Ujeedada durbaanka loo isticmaalo waxay ku xidhan tahay dadka, deegaanka iyo dhaqanka. Laakiin guud ahaan Waxaa loo isticmaalaa in uu qurxiyo cod, hees, gabay, geeraar, ciyaar iyo wixii la mid ah. Tusaale ahaan, deegaanada dadka Soomaalida ku nool yihiin waxaa durmaanka la isticmaalaa wakhtiyada dabaaldega, xafladaha, arooska iyo wixii la mid ah.[2]

Muuqaalka

Qoraalo La Xidhiidha

Linkiyo Banaanka

Tixraac

  1. Grove, George (January 2001). Stanley Sadie]], ed. (2nd ed.). Grove's Dictionaries of Music. pp. Volume 5, pp638–649. ISBN 1-56159-239-0.  Qoraalka "The New Grove Encyclopædia of Music and Musicians]]" la iska indho tiray (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Weiss, Rick (July 5, 1994). "Nuqul Archive". The Washington Post (Jul 5,1994). Waxaa laga kaydiyay the original Bisha Lixaad 29, 2011. Soo qaatay Bisha Tobnaad 8, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |access-date=, |archive-date= (caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: