Hal Abuur
Qeyb ka mid ah silsilada |
Fanka Soomaalida |
---|
Fanka iyo Suugaanta |
Masraxa |
Qeybaha Heesaha |
Heeso Dhaqameed |
Qalabka |
La Xidhiidha |
Halabuur (Af Ingiriis : composer; Af Carabi : ar) waa qof haybad u leh diyaarinta ereyada ay ka samaysan tahay heesi. Sida caadiga ah qofka halabuurka lehi wuxuu awood iyo aqoon uleeyahay inuu sameeyo tix, dhowr bayd gabay ama geeraar ah, kuwaasi oo marka laxan la saaro laga dhigo hees.
Qofka halabuurka ahi wuxuu samayn karaa gabay, geeraar, buraanbur, majaajilo iyo wixii la mid ah. Sidoo kale, halabuurku waa nooc ka mid ah abwaanimada.
Tusaale
Heesta Hal Qudha waa mid ka mid heesaha qaraamiga heerka dhexe ee suugaanta Soomaaliyeed midaasi oo si talan-taali ah u wada qaadaan fanaaniinta kala ah Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) iyo C.Qadir Macalin Jubba. Heestu waxay soo baxdey sanadkii 1987. Ereyada heesta waxay u qoran yihiin sidan:
Jubba:
Waa Sheeko Hodan ah ee Aan ka jaro hingaadee Hallow Hallow
Hibo:
Nafbaa ku heeybineeysoo Kuu Hamuun qabtee Hallow Hallow
Jubba:
Sida heego Rooboo Hilimadeeda haliimiyo Inta uu nugaal helay Haradii biyeeyo Mudo badan ku hooray 2x
Dhirtuu ka haqab beeshoo Ubaxii ka hagac yidhi Oo loo wada han weeyn yahay 2x
Markaan helo warkaageey Naftu hii kacdaayoo Farxad ku hambalyeeyaa 2x
Hood iyo aayaan iyo Calaf ha isku keen simo 2x
Hibo:
Raggu kala haboonee Halyeeyada wakhtiga kacay Kii ugu horeeyee Naftu ku hiiraneeysoow 2x
Sida hanad aan dhalay baan Himiladaada wacan iyo Horumarkaaga jecelahay 2x
Oo aan hurgumadiyo Aaan halista kaaga dhoowraa 2x
Markaan hello warkaagay Naftu hii kacdaayoo Farxad ku hambeelyaa 2x
Halqudheynu nahayoo Kaama hadhi karaayee Hood iyo ayaan iyo Calaf ha isku keen simo 2x
Heesta Halqudha oo cod dhagaysi ah waxaad ka heli kartaa Halkan
Qoraalo La Xidhiidha
Linkiyo Banaanka
- Agabka Muusiga Archived Diseembar 20, 2007 // Wayback Machine
- Oud Cafe
- shanqadha kabanka
Tixraac
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |