Hal Abuur

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Halabuur (Af-Ingiriis: composer; Af-Carabi: ملحن) waa qof haybad u leh diyaarinta ereyada ay ka samaysan tahay heesi. Sida caadiga ah qofka halabuurka lehi wuxuu awood iyo aqoon uleeyahay inuu sameeyo tix, dhowr bayd gabay ama geeraar ah, kuwaasi oo marka laxan la saaro laga dhigo hees.

Qofka halabuurka ahi wuxuu samayn karaa gabay, geeraar, buraanbur, majaajilo iyo wixii la mid ah. Sidoo kale, halabuurku waa nooc ka mid ah abwaanimada.

Tusaale

File:Jubba11.jpg
Fanaanka C.Qaadir Juba.

Heesta Hal Qudha waa mid ka mid heesaha qaraamiga heerka dhexe ee suugaanta Soomaaliyeed midaasi oo si talan-taali ah u wada qaadaan fanaaniinta kala ah Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) iyo C.Qadir Macalin Jubba. Heestu waxay soo baxdey sanadkii 1987. Ereyada heesta waxay u qoran yihiin sidan:

Jubba:

Waa Sheeko Hodan ah ee Aan ka jaro hingaadee Hallow Hallow

Hibo:

Nafbaa ku heeybineeysoo Kuu Hamuun qabtee Hallow Hallow

Jubba:

Sida heego Rooboo Hilimadeeda haliimiyo Inta uu nugaal helay Haradii biyeeyo Mudo badan ku hooray 2x

Dhirtuu ka haqab beeshoo Ubaxii ka hagac yidhi Oo loo wada han weeyn yahay 2x

Markaan helo warkaageey Naftu hii kacdaayoo Farxad ku hambalyeeyaa 2x

Hood iyo aayaan iyo Calaf ha isku keen simo 2x

Hibo:

Raggu kala haboonee Halyeeyada wakhtiga kacay Kii ugu horeeyee Naftu ku hiiraneeysoow 2x

Sida hanad aan dhalay baan Himiladaada wacan iyo Horumarkaaga jecelahay 2x

Oo aan hurgumadiyo Aaan halista kaaga dhoowraa 2x

Markaan hello warkaagay Naftu hii kacdaayoo Farxad ku hambeelyaa 2x

Halqudheynu nahayoo Kaama hadhi karaayee Hood iyo ayaan iyo Calaf ha isku keen simo 2x

Heesta Halqudha oo cod dhagaysi ah waxaad ka heli kartaa Halkan

Qoraalo La Xidhiidha

Linkiyo Banaanka

Tixraac

Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: