Ismaaciil Mire
Ismaaciil Mire Cilmi (Af Ingiriis : Ismail Mire Elmi) wuxuu ahaa abwaanka Garaad Diiriye Guure, gaar ahaan, guutada Shiikhyaale. Wuxuu ku dhashay Lasadar, tuulo u dhow Buuhoodle qiyaastii 1862, geeriyooday 1950; wuxuu ahaa gabayaa, halabuur, hogaamiye iyo dagaalyahan Soojireeneed kaasi oo ka tirsanaa adeecaha sare ee Boqortooyada Suldaan Diiriye Guure.[1][2] Ismaaciil Mire waxaa lagu xasuustaa gabayo badan oo dhaxalgal ah kuwaasi oo ka mid ah Suugaanta Soomaalida.
Gabayada Ismaaciil Mire
Ismaaciil Mire wuxuu leeyahay tiro badan oo gabayo ah, kuwaasi oo iskugu jira gubaabo, dhiirigelin, waxsheeg, fariin iyo noocyo kale. Gabayada ugu caansan ee Ismaaciil Mire waxaa ka mid ah gabayga "Iibsi Lacageed"[3] kaasi oo u qoran sidan:
Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto
Iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede
Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka isirraa waaye
Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane
Mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline
Afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye
Albaabkii Burcaan tegey anoo aaladii sida e
Amminkiiba lay yimid sidii eegta lay yahaye
Ooggii horey nagu kaceen adhi dillaalkiiye
Dad iimaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye
Amakaagay goortay wankii adhaxda tuujeene
Intaa weeye iyo ma'ahadii la is ilaaqaayey
Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye
Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye
Ii-maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye
Afar bawlad laga gooyey bay igu aluubeene
Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye
Kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene
Usha jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene
Ashcaartaba rag baa iga badshee idinku weydiiya
Gabayo kale
Ismaaciil Mire wuxuu leeyahay tiro badan oo gabayo iyo maansooyin iskujira, kuwaasi waxaa ka mid ah:
- Maxaa Xiga
- Guuguulayhow
- Iibsi Lacageed
- Xoogsi
- Hashii Markab
- Isma Oga
- Annagoo Taleex Naal
- Gelin Dhexe
- Galow-Kiciye
Sidoo kale fiiri
Xigasho
Tixraac siyaalo
- ↑ Africa - Volume 74, Issues 3-4 - Page 539 Diedrich Westermann, Edwin William Smith, Cyril Daryll Forde - 2004 "Ismail Mire, the dervish general and one of the greatest poets, stated in an interview that the Sayyid's 'men would ride up to a herdsman and say, "Join me and my brother and bring all your sheep and goats and camels," and if he agreed, they
- ↑ Nagendra Kr Singh, Abdul Mabud Khan Encyclopaedia of the World Muslims: Tribes, Castes and Communities 8187746106 - 2001 "Examples of classical Somali poems are Mohammed Abdulle Hassan's 'Hiin Finiin,' in praise of his favourite horse; Ismail Mire's 'The Rewards of Success,' a philosophical poem; and Abdillahi Muse's 'An Elder's Reproof to his Wife.' "
- ↑ Gabayga Iibsi Lacagee, Ismaaciil Mire ~doollo.com