Raage Ugaas

Ka Wikipedia

Raage Ugaas Warfaa wuxuu ahaa hogaamiye, gabayaa, halabuur, dagaalyahan Soomaaliyeed kaasi oo noolaa wakhti lagu qiyaaso bilawgii Qarnigii 18aad. Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka Sasabane, meel u dhaxaysa magaalada Dhagaxbuur iyo Dhagaxmadaw, Gobolka Soomaali Galbeed.

Raage wuxuu ahaa hal-beegga gabayga, garashada, geesinimada, iyo gobonimo dhamaanteed lagu cabiro. Wuxuu ku sifoobay qodob kasta oo qofka magaciisa iyo mansabkiisa kor u qaada, wuxuuna ceebka saliim ka ahaa wax walba oo dhag xumo iyo magac xumo usoo jiidi kara. Wuxuu ahaa nin lagu qiyaaso oo la yidhaahdo aftahanimada sidee Raage ka yahay, gabayaanimada sidee Raage ka yahay, geesinimada sidee Raage ka yahay, garashada oo kale se sidee qofkaasi Raage ka yahay.

[1] Raage waxaa dhalay Ugaas Warfaa Faarax Samatar oo ahaa Ugaasyadii oogu awooda badna beesha Ogaden waqtigaas, ahna Maalinguur ( Ugaas Samatar Fooljeex) Ree Cabdille, waxaa la dhashay Raage labo wiil oo ka weynaa kuwaasi oo kala ahaa Ugaas Xuseen iyo Xilkab.

Si kastaba ha ahaatee, Ugaas Raage wuxuu yaraantiisii ku soo caanbaxay tirinta gabayada iyo helida ereyo aad u dhumuc weyn.

Sida loogu hal qabsado gabayada iyo buugaagta gumaystuhu qoreen .

Faather of somali poetry Raage Ugaas

Hordhac

Wakhtiyadii uu kureyga ahaa ayuu Raage Ugaas bilaabey inuu tiriyo tixo gabay ah. Inta la hayo maanta gabayadii ugu horeeyay ee Raage Ugaas waxaa ka mid ah ereyadan[2]:

Aw-Muuse waa hoorin jirey, hadal nin waayeel ah Ina-Looti baan la hinjin karin, heeladkuu dhigaye Odawaa Dhugeed baa hantiyey, hibadii geeraare Anna hooto ridey gabay hadduu, haybad leeyahaye Dhallinyarada haatana ma jiro, Hawle oo kale'e .

Taariikh

Ugaas Raage wuxuu ahaa haldoor Soomaaliyeed kaasi oo lagu xasuusto gabayo, sheekooyin iyo dhacdooyin xiiso leh oo uu ka tagay.Dhinaca kale Raage wuxuu noolaa wakhtiyadii uu Garaad Faarax "Wiilwaal" ka talin jirey deegaanada Ogaadeeniya. Sheekooyinka inbadan waxaa lagu sheegay xifaaltan iyo tartan dhexmaray Ugaas Raage iyo Wiilwaal, kuwaasi oo ku dagaalamayay gabadh qurux badneyd. Raage Ugaas gabayo badan ayuu ka tiriyay jeceylka gabadhaasi. Waxaana la sheegay inuu markii dambe dilay Garaad Wiilwaal.[3]

Gabayga Alleyl dumay

Raage Ugaas ayey gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhu way madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo meheriyay Faarax Wiil-waal. Warkii markuu Raage soo gaadhay ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey gabaygan la magacbaxay Alleyl Dumay.

   Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
   Onkad yeedhay uugaama roob,  alif banaadiikh ah
   Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye
   Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
   Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
   Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og 
   Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
   Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye 
   Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
   Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
   Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye 
   Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
   Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
   Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e
   Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye 
   Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
   Nin abkii Ogaden yahoo aarsan baan ahaye
   Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye

Raage Ugaas iyo Garaad Wiilwaal

Raage markuu gabaygaa mariyay, ayuu odaygii gabadha dhalay siin iyo meher isugu daray da'dii ka yarayd gabadha oo aan ayadu waxba ka liidanin tan weyn. Si kastaba ha ahaatee, Raage iyo Faarax waxay inalayaal u noqdeen reerkii ay gabdhaha kaqabeen. Maalin maalmaha kamid ah ayuu Faarax Wiil-waal haweenaydiisa usheegay inay sifiican usoo labisato, soona kaxayso walaasheeda ka yar oo ah xaaska Raage, dabadeed ku soo agmaraan dulleed ka reerka. Faarax intuu u yimid Raage ayuu ku yidhi war inakeen aan duleedka shax kusoo ciyaaree, kadibna waa laysraacay. Ayagoo shaxaya ayaa dumarkoodii soo kor mareen, dabadeed waxaa la'is waydaarsaday tixahan halgaada ah:

Wiilwaal:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Qiyaasli'i ninkii ugu tagow qoomamaa xigiye
Kannaan dagay
Raage:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Manala qoonsanaayaa haday fuulmo nooqabato
Kannaan dagay, Kannaan doorbiday, Kannaan dan mooday
Wiilwaal:
Qumbe subaga oo meel qotoma oo nin lihi quuto
Qooraansigiisaa kuugu daran quud aan lacunaynin
Kanaan dagay
Raage:
Qumbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto
Ma nalagu qoonsanaayaa haday gaajo noo qabato
Kannaan dagay, Kannaan doorbiday, Kannaan dan mooday
Wiilwaal:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa fiican
Ma lagu qoonsanaayaa haduu gabadhi kaa qaaday
Kanaan dagay
Raage:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa liidan
Mala qoonsanaayaa haduu rubadda kaa qaado
Kannaan dagay, Kannaan doorbiday, Kannaan dan mooday

Raage intuu ablaydii iska gooyey ayuu Faarax laba u kala gooyey, dabadeed gabadhuu jeclaa ee xilaha u ahayd Faarax ayuu faras kiisa ku ritay, lana tagay oo reerkoodii la aaday.[4]

Gabayada Raage Ugaas

Sidaan horay u soo sheegnay, Raage Ugaas wuxuu leeyahay tiro badan oo gabayo, maanso iyo halabuur ah; kuwaasi waxaa ka mid ah:

  • Geela
  • Bi'i Waaye
  • Bishu waa 30
  • Garaad
  • Soo Raadi...
  • Hami
  • Walhad
  • Alleyl Dumay
  • Sarsar Igu Banaanaa
  • Ardaal Nacas ah
  • Siwaaqroon
  • Duusho
  • Awood iyo xoog
  • Siddii Koortii Yucub

Sidoo kale fiiri

Xigasho

Tixraac