Soomaali Galbeed

Ka Wikipedia
Somali Region

(Deegaanka Soomaalida)
የሶማሌ ክልል
Dawladda Deegaanka Soomaalida.
Flag
Somali Region is located in Earth
Somali Region
Somali Region
Qariirada Itoobiya oo muujinaya gobolka somaligalbeed
Dalka Itoobiya
CaasimaddaJigjiga
Dowlada
 • Madaxweynaha ImminkaMustafe Muxumed Cumar
 • Madaxweyne ku xigeenka kumeelgaarka ahIbraahim Cusmaan
Area
327,068 km2 (126,282 sq mi)
Area rank2aad
Tirada dadka
(2017)
 • Dhammaan9.654 million[1]
Magac kaleSoomaali
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Furaha+251
ISO 3166 codeET-SO
HDI (2017)0.409[2]
low · 10th

Dawladda Deegaanka Soomaalida ama Soomaali Galbeed oo loo soo gaabiyo DDS waa maamulka iyo dowlada deegaada Soomaali Galbeed ee maanta ka tirsan dowlada Itoobiya.Dawladda Deegaanka Soomaalidu wuxuu ka mid yahay sagaalka dawlad deegaan ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Wuxuu ku fadhiyaa dhulka bariga iyo bari-koonfureed ee dalka Itoobiya. Baaxadda dhulka waxa lagu qiyaasaa 350,000 km2.Deegaanku wuxuu ku dhacayaa inta u dhaxaysa loolka 40-110 Waqooyi iyo Dhigta 40 -48 0E Bari.

Deegaanku wuxuu xad la leeyahay, dhinaca konfureed waxa ka xiga Kenya, dhinaca bari iyo koonfur bari waxa ka xiga Soomaaliya, dhinaca galbeed iyo koonfur waxa ka xiga deegaanka Oromiya, dhinaca galbeed iyo waqooyi galbeedna waxa ka xiga deegaanka canfarta.Deegaanku inta uu ka sarreeyo badda waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 500-1600 meters. Cimilada deegaanka soomaalida waxa lagu qiyaasaa dhul daaqsin isugu jira oomane, dhul kooban oo hela roob ku filan iyo dhul ay maraan wabiyo kala duwan. Heer-kulka deegaanku wuxuu u dhaxeyaa 20-45°C Celceliska roobka degaanku helaa wuxuu u dhaxeeyaa 300-500 mm.

Tirada dadka ku nool deegaanka waxa lagu qiyaasaa 8.4 million (Tiro-koobkii la sameeyey 2007 - CSA census), 86% shacabka deegaanka waxay ku nool yihiin dhulka miyiga ah badankooduna waa xoolo-dhaqatoMaamul ahaan degaanku wuxuu ka kooban yahay 11 Gobol,6 maamul magaalo iyo 93 degmo.

Hordhac

Goor hore

Huwan ama Somali Galbeed

Somali Galbeed waxee leedahay taariikh aad u dheer. gumeestihii ingriiska ayaa soo gumeestay dhamaadkii 1890ki, waxaana la dhihi jiray ingriiska somaliland, waxoona ku daray dalka itoobiya 1897. ingriiska markale ayoo isku dayay in oo ka soo saaro ogadenia dalka itoobiya,waa markii oo ingiriiska iyo talyaaniga ee wada shaqeen ee sameeyeen, sida ee gobolada soomaalida u miday lahaayeen. Waqtiga xukunka Diiriye Guure dhulka waxaa la odhan jirey Huwan.

Diiriye Guure ka dib

Dagaalkii Labaad ee Aduunka itoobiya waxee isku dayday in ee qaadato, dhulka Eratareya iyo ogadenia. ingriiska dhul yar ayoo ka qaatay ogadenia oo ka bilaawdo, magaalada haud ilaa fransiiska somaliland oo hatta la dhoho Jabuuti. ingriiska dhulkaas ma ku darin itoobiya ilaa sanadka marka oo ahaa 1954tii. 1977 ayaa waxaa dhacday, dagaalkii xoreenta Soomaali galbeed, waa markii ee itoobiya dhibaateysay shacabka ogadenia, waagaas itoobiya waxee iskugu wici jirtay libaaxyada afrika, laakiin madaxweynihii soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dhulka soomaali galbeed ayaa aad uuga xumaaday, dhibaatada ee itoobiyaanka ku haayeen dhulkaas, waa markii oo duulaan ku qaaday itoobiya.ciidamada Soomaaliya iyo somaligalbeed, ayaa isku dayay, in ee itoobiya ka bixiyaan dhulka ogadenia. ciidmada soomaaliya waxee markaas gacanta ku haayeen dhulka ogadenia oo dhan.

Luqada

98.82% waxaa looga hadlaa Af soomaali. luqadaha yar-yar oo looga hadlo waxaa ka mid ah Af Amxaari (0.67%), iyo Af Oromo (0.51%).

Diinta

99.4% shacabka deegaanka waxee haystaan diinta Islaamka , 0.50% Karishtaanka Orthodoks, iyo 0.10% oo ah kuwo raaco diimo kale.[3]

Liiska madaxweyneyaasha soomaali galbeed

Lam. Sawirka President
(Dhalasho–Dhimasho)
Muddada Xafiiska Xisbi
Xafiiska la wareegay Xafiiska ka tagay Muddada
1 Abdullahi Mohamed Sa'di 23 Janaayo 1993 Nofeembar 1993 10 Bilood, Ethiopian Somali Democratic League (ESDL).[4]
2 Hassan Jire Qalinle 1993 Abriil 1994 1 Sanadka, Ethiopian Somali Democratic League (ESDL)
3 Abdirahman Ugas Mohumed Qani Abriil 1994 1995 1 Sano, Ethiopian Somali Democratic League (ESDL)
4 Ahmed Makahel Hussein 1995 Juun 1995 4 Bilood,

15 Maalin

Ethiopian Somali Democratic League (ESDL)
5 Eid Daahir Farah Juun 1995 Oktoobar 1997 2 Sano,

4 Bilood

Ethiopian somali Democratic League (ESDL)]]
6 Mahdi Ayuub Oktober 1997 Oktober 1997 usbuucyo


Ethiopian Somali Democratic League (ESDL).[5]
7 Khader Ma'alen Ali Oktoobar 1997 Oktoobar 2000 3 Sano, Ethiopian Somali Democratic League (ESDL)
(ilaa 1998)
Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP)
8 Abdulrashed Dulane oktoobar 2000 21 Luuliyo 2003 2 Sano,

10 Bilood

Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP)
9 Abdi Jibril Ali 21 Julaay 2003 Oktoobar 2005 2 Sano,

3 Bilood,

Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP)
10 Abdullahi Hassan Mohamed ''Lugbuur'' Oktoobar 2005 Nofeembar 2008 3 Sano,

1 Bil

Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP)
11 Daud Mohamed Ali '' Daud Axmaar'' Nofeembar 2008 12 Jul 2010 1 Sano,

9 Bilood

Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP)
12 Abdi Mohamoud Omar (Cabdi Ilay) 12 Luuliyo 2010 08 Agoosto 2018 8 Sano,

1 Bil

Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP)
13 Ahmed Abdi Sh.Mohamed (Ilkacase) 08 Agoosto 2018 22 Agoosto 2018 14 Maalin, Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP)
14 Mustafa Muhummed Omer (Cagjar)
(1970–)
22 Aug 2018 Hadda Somali People's Democratic Party (ESPDP)
(ilaa 03 Abriil 2019)
Somali Democratic Party (SDP)[6][7]
(ilaa 30 Nofeembar 2019)
Prosperity Party[8]

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. Nuqul Archive. Federal Democratic Republic of Ethiopia Central Statistical Agency. Waxaa laga kaydiyay the original 6 June 2018. Soo qaatay 4 June 2018.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. hdi.globaldatalab.org https://hdi.globaldatalab.org/areadata/shdi/. Soo qaatay 2018-09-13.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. " Census 2007 Tables: Somali Region" Archived Maaj 10, 2012 // Wayback Machine, Tables 2.1, 2.5, 3.1, 3.2, 3.4
  4. Tobias Hagmann, Mohamud H. Khalif, "State and Politics in Ethiopia's Somali region since 1991" Archived Agoosto 31, 2011 // Wayback Machine Archived 2011-08-31 at the Wayback Machine, Bildhaan: the International Journal of Somali Studies, 6 (2006), p. 29
  5. Asnake Kefale Adegehe, Federalism and ethnic conflict in Ethiopia: a comparative study of the Somali and Benishangul-Gumuz regions Department of Political Science, Faculty of Social and Behavioural Sciences, Leiden University, Doctoral thesis (2009), p. 138
  6. https://www.ethiopiaobserver.com/2018/08/12/ahmed-shide-named-chairman-of-the-somali-region-ruling-party/
  7. Dirir Mohamoud (Ethiopia) Archived Abriil 28, 2009 // Wayback Machine Archived 28 Abriil 2009 at the Wayback Machine AfDevInfo website (accessed 14 May 2009)
  8. Exclusive: Third day EPRDF EC discussing “Prosperity Party” Regulation. Find the draft copy obtained by AS