Jabuuti

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Kani waa maqaal ku saabsan wadanka, sidoo kale fiiri Caasimada Jabuuti.
Jamhuuriyadda Jabuuti
Hal ku dheg: "Unité, Égalité, Paix" (Af-Faransiis)
"Unity, Equality, Peace"
Heesta qaranka: Jabuuti
Magaalo madax
Waa Magaalada ugu balaaran
Jabuuti
11°36′N 43°10′E / 11.600°N 43.167°E / 11.600; 43.167
Luqadaha rasmiga ah
Luqad loo aqoonsaday dalka
Xukunka
 -  Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle
 -  Ra'iisul wasaaraha Abdoulkader Kamil Mohamed
Ka xoroobey
 -  Gumeystihii Faransiiska 22 Juun, 1977[1] 
Baaxad
 -  Guud ahaan 23,200 km2 [1](150th)
8,958 sq mi 
 -  Biyo (%) 0.09 (20 km² / 7.7 sq mi)
Tirada dadka
 -  2013[1] qiyaasta 792,198
 -  Mugga Dadka 37.2/km2 (168th)
96.4/sq mi
Wax soo saar (PPP) 2012 qiyaastii
 -  Guud ahaan $2.379 billion[2]
 -  Qof qof $2,676[2]
Wax soo saar (Iskaga magacaaban) 2012 estimate
 -  Guud ahaan $1.354 billion[2]
 -  Calaa qof $1,522[2]
Qaybsiga (2009) 40.0 (medium)
Kobaca (2011) Green Arrow Up Darker.svg 0.430[3] (low / 165th)
Lacagta Farank (DJF)
Waqtiga EAT (UTC+3)
 -  Xagaa (DST) Wali lama qeexin (UTC+3)
Wadista Baabuurta right
Furaha telka +253
Furaha Internetka .dj

Jabuuti (Af-Ingiriis: Djibouti; Af-Canfari: Gabuuti; Af-Carabi: جيبوتي) loona yaqaan Jamhuuriyada Jabuuti waa dal yar ee ku yaala bariga Geeska Afrika. Jabuuti waxaay xad la leedahay Iritareeya xaga waqooyi, Itoobiya xaga galbeed iyo koonfurba iyo Somaliland oo ka xigta koonfurbari. Dhinaca kale Jabuuti waxaa ka xiga Bada cas iyo Gacanka Cadmeed.

Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Jabuuti waxa soo maamuli jiray beelo kala duwan beelahaas oo ahaa , samaroon, ciise iyo canfar. waxayna ka dagaan koonfurta ay somaalidu dagaan iyo waqooyiga ay canfartu dagto . 1832-ayaa faransiiska waxaa ay qabsatay dhinaca waqooyi ee jabuutti kadibna waxay kusii fiday dhamaan wadanka intiisa kale, waxa ayna magac uga dhigtay dhulka soomaalida ee faransiiska gumaysto taasi oo aad ka dareemi kartid in cidda dhulka loogu yimid amma gumaystihii faransiiska waxlasaxeexatay ay ahayd qowmiyada soomaalida ooiyadu hogaanka dhaqan dhaqaaleh ee jiidaas waqtigaa gacanta ku haysay.100 sano kadib waxaa bilawday dhaqdhaqaaq gumaysi diid ah kaas oo ku fiday dhamaan dalka intiisa kale, waxaa bilawday axsaab u ololaynaysay sidii la,iskaga dulqaadi lahaa heeryada gumaysiga waxaaana ka madax ahaa marxuum maxamuud xarbi oo looyaqaano halyaygii jamhuuriyada jabuuti isaga oo taariikh wayn ku leh dalka ,waxaa kaloo u soo shahiiday xornimo gaaadhsiinta dalak jabuuti dad fara baddan oo lahaa ama ka soo jeeday dhamaan qabaa ishii soomaaliyeed ee degenaa. waxa garabsocday halgankaas, jabhado koonfurta wadanka kadagaalami jiray sanadkii 1977 jabuutti waxay heshay xornimadeedii ay muddo dheer usoo halgantay, waxaa jooga ciidamo faransiis ah oo gaaraya 2000 askari oo loogu talo galay in ay ka difaacaan Ethiopia oo damacsaneed in ay qabsato, waxaa madax wayne kanoqday marxuum Xasan Guuleed Abtidoon.oo looyaqaano aabihii umada jabuuti , raiisul wasaare ayu u magacaabay marxuum (Axmed diini Axmed) ,baarlamanka ayaa isagu ka kooban 61 kursi aw ka koobaadi yahaw madax waynaha , madax waynaha waxaa lasoo doortay 6 diisanbar mar xagga baarlamankana lagasoo doorto 5 tii sanoba mar. muddo kaddib waxaa bilaabmay is afgaranwaa dhinaca Siyaasadda ahaa madaama aw xisbi kalaatahay katalinaayay dalka waa RPP , Koox aw hogaaminayo Axmad diini Axmed ayaa kabilaabay dagaal jabhadayn ah waqooyiga dalka kadib markii la,isku af garan waayay siyaasadda 1991 ayay bilaabeen dagaalka , Dawladda jabuutti ayaa dhineceeda kawaday wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed waxayna ku guulaysatay sanadkii 1994. waa wadanka ugu yar geska africa waxa madaxwene ka ah ismacil cumar gelle waa run tasi

Magaalada Jabuuti 1905
Assemblée nationale, Guriga umada (baarlamanka)

siiyaasada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

wadanka jabuuti, waa wadan jamhuuriyad ah, waxoona leeyahay,Madaxtooyo iyo baarlamaan. waxaana madax ka ah, dad soomaaliyeed. madaxweeynaha wadanka jabuuti, hadda waxaa la dhahaa Ismaaciil Cumar Geelle, oo madaxweyne noqday 1999dii.

madaxweeynihii labaad Guuleed, waxoo codsiga shacabka reer jabuuti ka helay 100% waxaana codsaday 78.9% shacabka jamhuuriyadda jabuuti. baarlamaanka jabuuti waxoo leeyahay 65 xildhibaan, oo la doorto 5tii sano ilaa 9kii sano mar. jabuuti waxaa joogaan, militari ajnabi oo u badan frasiiska iyo mareykanka. oo halkaas ku leh xero militari.

shacabka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

dadka jabuuti ku nool waa SOMAALI(AQLABIYADA) iyo canfar, waxaa u badan SOMAALIDA 00 ka badan 67% shacabka jabuuti oo dhan, dadka cafariga waa 31%, dadka kale oo ka yimaaday wadamada SOMAALIYA Yurubiyaanka iyo carabta iyo wadanka itoobiya neh wee joogaan.

luqada loogaga hadlo[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

wadanka jabuuti waxaa looga hadlaa Afka Faransiiska IYO CARABIGA oo ah luqada rasmiga ee dalka jabuuti.waxaana ku xiga luqada af Soomaaliga iyo Afk Cafariga oo ah luqadaha labaad oo la aqoonsaday.Afka soomaaliga waxaa loo adeegsadaa, heesta calanka jabuuti iyo idaacadaha oo ku baxo sadaxda luqadood iyo af carabi iyo heesaha. waxeena soomaalida jabuuti isku dayaan in ee ku hadlaan afka soomaaliga. Afka faransiiska waxaa loo adeegsadaa tabeelooyinka, elektrooniga iyo waxyaabaha caalamiga, waxaana badanaa wadooyinka looga hadlaa afka faransiiska.luqada afar waxaa loo adeegsadaa idaacadaha, heesaha iyo wixii la mid ah.cafariga jabuuti neh waxee isku dayaan in ee ku hadlaan Afka cafariga.Luqada afka cafariga waxaa looga hadlaa gobolka Cafar oo ku yaalo woqooyiga itoobiya.

Juquraafi[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Jabuuti waxee ku taalaa bariga afrika, waxeena xuduud la leedahay, [[itoobiya,Ereteriya iyo Soomaaliya, iyo bada cas iyo gacanka cadmeed. weeninkeeda waa 23,200 km oo wareeg ah. jabuuti waxee xuduudka ugudheer la leedahay wadanka itoobiya oo dhirirkeeda yahay 349 km, waxaa ku xiga Ereteriya oo ah 109 km waxaa ku siixiga Soomaaliya oo ah 58 km. xeebta jabuuti dhirirkeeda waa 314 km.

Jawiga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

jawiga Jabuuti waxoo u dhaxeeyaa 31 ilaa 100 garaado. waa wadan aad u kulul oo saxaaro leh.

Dhaqaale[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

jabuuti waa wadan yar oo ku yaalo jidka ganacsiga. waxee la shaqeesaa wadamada Caalamka dhinaca dhoofista alaabta iyo dhinaca shidaalka. dekada jabuuti waa dekad aad u camiran. alaabta itoobiya waxee uuga soo degtaan dekada jabuuti.

Milariga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

wadanka jabuuti waxoo leeyahay ciidanka dhulka, ciidanka badda, iyo ciidanka cirka. Militariga jabuuti waxay gaarayaan, 16,763askari

  • 8,260 waa rag
  • 8,503 waa dumar

Diinta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Masjidkii u horeeyey ee dhagax ah ee laga dhiso Jabuuti waxa dhisay Xaaji diide isla kaasi oo loogu magac daray Maxmuudi.

(maskiit Maxmuudi) wuxuu ku yaalaa sben loo yaqaan Plats Rambo (place Rimbaud)
  • wadanka jabuuti 100kiiba 94 waa muslimiin.

dad waxaa jiro inka yar 6% oo karishtaan ah.

Linkiga Caddaynta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. 1.0 1.1 1.2 1.3 1.4 "Djibouti". The World Factbook. CIA. February 5, 2013. https://www.cia.gov/library/publications/the-world-factbook/geos/dj.html. Retrieved February 26, 2013.
  2. 2.0 2.1 2.2 2.3 "Djibouti". International Monetary Fund. http://www.imf.org/external/pubs/ft/weo/2013/01/weodata/weorept.aspx?pr.x=68&pr.y=6&sy=2009&ey=2012&scsm=1&ssd=1&sort=country&ds=.&br=1&c=611&s=NGDPD%2CNGDPDPC%2CPPPGDP%2CPPPPC%2CLP&grp=0&a=. Retrieved 2013-04-17.
  3. "Human Development Report 2011 – Human development statistical annex". HDRO (Human Development Report Office) United Nations Development Programme. pp. 127–130. http://hdr.undp.org/en/media/HDR_2011_EN_Tables.pdf. Retrieved March 1, 2013.
Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: