Gabon

Ka Wikipedia
Gabon
République Gabonaise  (Af-Faransiis)
Hal ku dheg: "Union, Travail, Justice" (Faransiis)
"Union, Work, Justice"
Location of Gabon
Magaalo madax
Waa Magaalada ugu balaaran
Libreville
0°23′N 9°27′E / 0.383°N 9.450°E / 0.383; 9.450
Luqadaha rasmiga ah Af-Faransiis
Baaxad
 -  Guud ahaan 267,667 km2 (76th)
103,347 sq mi 
 -  Biyo (%) 3.76%
Tirada dadka
 -  2009 qiyaasta 1,475,000 (150th)
 -  Mugga Dadka 5.5/km2 (216th)
14.3/sq mi
Wax soo saar (PPP) 2012 qiyaastii
 -  Guud ahaan $25.492 billion[1]
 -  Qof qof $16,547[1]
Wax soo saar (Iskaga magacaaban) 2012 estimate
 -  Guud ahaan $18.376 billion[1]
 -  Calaa qof $11,928[1]
Kobaca (2013)Decrease 0.683[2] (medium / 106th)
Lacagta Central African CFA franc (XAF)
Waqtiga WAT (UTC+1)
 -  Xagaa (DST) not observed (UTC+1)
Wadista Baabuurta right
Thiinada telka +241
Furaha Internetka .ga

Gabon waa wadan ku yaalo galbeedka Afrika, wadankaan waxoo xuduud la leeyahay wadamada Ikweetiga Guinea, Jamhuuriyadda Kongo iyo Kamiruun. Dhinaca galbeed neh waxaa kaga dhegan Gacanka Guinea. Magaalo madaxda wadanka waa Libreville.

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dalka Jamhuuriyda Gabon. Dalka Gabon waxa uu kamid yahay wadamada loogu yeesho Gabeedka Africa waxana uu xad la wadagaa dalka Gabon dalalka dhamaantood ka tirsan wadamada galbeedka Africa oo kala ah Kameroon, Jamhuuriyada Kongo iyo dalka Equartorian Guinea. Dhinaca koonfur galbeedna waxa dalka kaga taal badwaynta Atlantica (Atalantic Oceaan) caasimada dalka Gabon, waxa ay ku talaa xeebta bada Atlantica waxana la yidhaa Librefille.

Bedka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bedka dhulka uu ku fadhiyo dalka Gabon waxa lagu qiyaasaa 103,346.81 (mayl laba jibaaran) oo u dhiganta 267,667.00, oo (kiiloomitir laba jibaaran). Dalka Jamhuuriyada Gabon waxa uu dhul baaxadeedkiisu ku dhowyahay gobolka ( Colorado) ee dalka maraykanka.

Dadka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dadka reer Congo waxa ay gaadhaan .51-milyan iyo badh ruux waana tirakoobkii la sameeyay sanadkii 2010-kii. Dalka Gabon waxa uu kamid yahay wadamda ay aadka u aafeeyeen cudurada dilaaga ah ee uu AIDS-ku ugu horeeyo sidaa daraadeed waxa la saadaaliyay in bulshada reer Gabon ee sanadka 2050-ka ay ka badnaan doonin 2milyan oo ruux

Afka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Luuqadaha lagaga hadlo dalka Gabon waxa ugu horeysa luuqada faransiiska oo ah luuqada koowaad ee dalka lagaga hadlo luuqadan gumaysigii France laga dhaxalay ka sokow waxa jira luuqado dhowr ah oo ah luuqadaha maxaliga ah ee taariikhiyan ay ku hadli jireen dadka reer Gabon. Luuqadaha maxaliga ah waxa kamid ah Fang, Myene, Bateke, Bapounou/Eschira iyo Bandjabi.

Aqoonta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dadka aqoonta leh ee reer Gabon waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 63.2% Tirakoobkan aqooneedna waxa la sameeyay sanadkii 1995-kii xiligana waxa la fili karaa in ay dadka aqoonta leh ee reer Gabon ka badan yihiin tiradii ay hore u ahaayeen.

Diinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Diimaha ay kala aaminsanyihiin bulshada ku dhaqan dalka Gabon waxa ugu horeysa oo dadka ugu badani ay aaminsanyihiin dinta Kiristanka waxana aaminsan dad gaadhaya boqolkiiba 55% ilaa 75%, sidoo kale diimaha animist iyo Islaamka waxa haysta dad lagu qiyaasay boqolkiiba 1% in ka yar.

Cimriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ragga reer Gabon waxa da’doodu gaadhaa 48-sano.

Dawlada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qaabka ay u shaqayso Dawladda dalka Gabon waa nidaam jamhuuri ah oo ku lamaan yahay xukun adayg isku dhafani (Government Type republic; multiparty presidential regime). Xisbiyada mucaaridka ah waxa laga ogolaaday dalka Gabon sanadkii 1990-kii

Lacagta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Lacagta reer Gabon ay isticmaalaan waxa la yidhaa Communaute Financiere Africaine franc (CFAF).

Warshadaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Warshadada dalka Gabon waxa lagu farsameeyaa Sharaabka, dunta, Sibidhka,Baatroolka, Dahabka, kiimikooyinka, iyo dhismaha maraakiibta.

Beeraha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Beeraha dalka waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin kookaha, Coffeega, Sonkorta, Rabadhka iyo Saliida.

Xoolaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

dalka Gabon waxa laga dhaqdaa xoolo ay ugu muhiimsantahay lo’da iyada oo deegaanada xeebtana ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo kaluumaysi. Dhulka la isticmaalo ee dalka Gabon waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 1%

Khayraadka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxa kamid ah, Dahabka, Baatroolka, Yuuraaniyamka, Timberka, Iyo awooda biyaha lagaga dhaliyo tamarta korontada ee hydropower.

Tixraacyada[wax ka badal | wax ka badal xogta]


  1. 1.0 1.1 1.2 1.3 . International Monetary Fund http://www.imf.org/external/pubs/ft/weo/2013/01/weodata/weorept.aspx?pr.x=46&pr.y=2&sy=2009&ey=2012&scsm=1&ssd=1&sort=country&ds=.&br=1&c=646&s=NGDPD%2CNGDPDPC%2CPPPGDP%2CPPPPC%2CLP&grp=0&a=. Soo qaatay 2013-04-17.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. "Nuqul Archive" (PDF). United Nations. Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 21 Bisha Kow iyo Tobnaad 2010. Soo qaatay 5 November 2010.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)