Adhi

Ka Wikipedia
Adhi
a pygmy goat
Xaalad xanaaneed
Hayinoggol ah
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Animalia
Faylam: Chordata
Gacalka: Mammalia
Dirka: Artiodactyla
Bahka: Bovidae
Bahka hoose: Caprinae
Duulka: Capra
Noocyada: C. aegagrus
Noocyada kala duwan: C. a. hircus
Trinomial name
Capra aegagrus hircus
(Linnaeus, 1758)
Eray la mid ah
Capra hircus
Adhi
Ilmaha adhiga waxa loo yaqaanaa neylo iyo waxaro.
Ri' iyo labo ilmo adhi ah: waxar iyo neyl.

Adhi sidoo kale loo yaqaano Ari (Af Carabi : arAf-Laatiin iyo Taliyaani: capra Af Ingiriis : goat Af Amxaari : ፍየል) waa xoolo gurijoog ah oo dadku dhaqdaan.

Adhigu waa xoolo naasley ah, kuwaas oo ubucda hoose ku leh labo naasood oo laga helo caano.

Adhiga waxa uu u kala baxa Riyo Iyo Ido. Riyaha kiisa lab waxaa loo yaqaanaa orgi, halka mida dhedig lagu magacaabo ri'. Idaha kiisa lab waxa loo yaqaan wan kiss dheddigna waxa loo yaqabaan lax. Riyuhu marka ay yaryar yihiin labka waxaa loo yaqaanaa waxar, mida dhedigna waa waxar ama orgi. Idaha kooda yar ee dheddig waxa la yidhaahdaa Nayl, kooda labna Nayl (waa isku dhigid kala dhihid).

Inkastoo ay jiraan in ka badan 300 oo nooc oo adhi ah, hadana xoolaha ugu dhow adhiga ee qaraabada dhow yihiin waxa ka mid ahidaha, adhiga duurjoogta ah iyo sagaarada.

Wakhti imika laga joogo 10,000 oo sano ka hor, ayaa wadanka Iiraan lagu dhaqan jirey adhiga, laakiin waxaa la aaminsan yahay in wakhti intaas ka badan ka hor dadku dhaqan jirey adhiga. Sida la sheego, dadkii ugu hooreeyay wax beerida ayaa carbistey adhigii ugu horeeyay sababtoo ah caanaha, hilibka, dhogorta iyo timaha hargaha oo laga sameeyo dhar, lafaha ooy u isticmaali jireen adeeygeeda, digada oo carada lagu nafaqeeyo ayaa muhiim u ahaa dadkaas beeraleyda ah.



arga somalida