Ri'

Ka Wikipedia
Ri' iyo labo ilmo adhi ah: waxar iyo neyl.

Ri' wadateedu tahay Ri'yo (Af-Taliyaani : capra Af Ingiriis : nanny goat) waa xoolo gurijoog ah oo dadku dhaqdaan. Ri'du waa dhediga adhiga, waxaanay ka mid tahay xoolaha dadku leeyihiin ee laga helo cunto, hilib iyo caano, dhogor iyo digo.

Ri'yaha adhigu waa xoolo naasley ah, kuwaas oo ubucda hoose ku leh labo naasood oo laga helo caano.

Adhiga kiisa lab waxaa loo yaqaanaa orgi, halka mida dhedig lagu magacaabo Ri'. Adhigu markuu yaryahay labka waxaa loo yaqaanaa neyl, mida dhedigna waa waxar.

Inkastoo ay jiraan in ka badan 300 oo nooc oo adhi ah, hadana xoolaha ugu dhow adhiga ee qaraabada dhow yihiin waxa ka mid ahidaha, adhiga duurjoogta ah iyo sagaarada.

Wakhti imika laga joogo 10,000 oo sano ka hor, ayaa wadanka Iiraan lagu dhaqan jirey adhiga, laakiin waxaa la aaminsan yahay in wakhti intaas ka badan ka hor dadku dhaqan jirey adhiga. Sida la sheego, dadkii ugu hooreeyay wax beerida ayaa carbistey adhigii ugu horeeyay sababtoo ah caanaha, hilibka, dhogorta iyo timaha hargaha oo laga sameeyo dhar, lafaha ooy u isticmaali jireen adeeygeeda, digada oo carada lagu nafaqeeyo ayaa muhiim u ahaa dadkaas beeraleyda ah.