Hilib

Ka Wikipedia
Noocyo kala duwan oo hilib ah

Hilib(Af Ingiriis : meat; Af Carabi : ar‎) waa jiidhka xayawaanka kaasi oo dadku u quutaan cunto ahaan.[1] Sida caadiga ah, aadamuhu (dadka) waa gebi-quute (Saynis ahaan omnivorous),[2] taasi micnaheedu waa in dadku quutaan hilibka iyo caanaha xayawaanka iyo dhamaan kheyraadka dhirta.[3]

Tan ilaa iyo kumanaan sano ka hor dadku waxay ku tiirsanaayeen hilibka xayawaanka iyo midhaha dhirta ayagoo isticmaali jirey Ugaadhsi iyo Qadhaabsi. Si kastaba ha ahaatee, horaantii ilbaxnimada aadamaha ayaa dadku bilaabeen ineey dhaqdaan xoolo si loo manaafacaadsado kheyraadkooda. Hilibku wuxuu ka kooban yahay biyo, borotiin, iyo dux[4] waana cunto aad ugu muhiim ah jidhka iyo caafimaadka dadka.

Hilibka waxaa laga helaa xayawaanka. Hilibka waxoo ka sameysanyahay, murqo,ama seed, iyo subak. Hilibka waxoo leeyahay brotiin, aad u badan oona muhiim u ah, korka ama jirdhiska bini aadanka. Hilibaha la cuno wee kala duwan yihiin. Hilibka soomaalida cunto, waxaa ka mid ah, hilbaha xalaasha ah, sida Hilibka Lo'da, Geelka,ariga, Idada, Malaayga,doorada iyo Sagaarada.Dadka aduunka ku nool waxaa saaid uugu ah Hilbaha ee cunaan, sida Hilibka Doofaarka, Eyga, Fardaha, yaanyuurta,Dooliga,Masaska,iyo Caaro caaro. Iyo wax badan oo la tiri karin.

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]


  1. Lawrie, R. A.; Ledward, D. A. (7th ed.). Woodhead Publishing Limited. ISBN 978-1-84569-159-2.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. . CRC Press. p. 37. ISBN 0-8493-8566-0 https://books.google.com/?id=CXwylbbRXvAC&pg=PA37&dq=en#v=onepage&q=&f=false. Soo qaatay October 6, 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Ayyıldız, Esat. “Klasik Arap Edebiyatında Et Motifi”. International Malatya Gastronomy Culture and Tourism Conference. ed. Aynur Ismayilova – Gunay Rzayeva. 19-24. Malatya: IKSAD Publishing House, 2022.
  4. "Nuqul Archive". SuperTracker. United States federal government. Waxaa laga kaydiyay the original 6 April 2015. Soo qaatay 11 April 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)