Neyl
Neyl' wadar ahaan noqonaysa Neylo (Ingiriis: billy kid) waa xoolo gurijoog ah oo dadku dhaqdaan. Neyluhu waa labka adhiga yariiska ah, waxaanay ka mid yihiin xoolaha dadku dhaqdaan ee laga helo cunto, hilib, dhogor iyo digo.
Adhiga kiisa lab waxaa loo yaqaanaa orgi, halka mida dhedig lagu magacaabo ri'. Adhigu markuu yaryahay labka waxaa loo yaqaanaa neyl, mida dhedigna waa waxar.
Neyluhu waxay qaangaadh ku noqdaan 15 bilood markaas ooy noqdaan orgiyo.
Deegaanada qaar ee dalka Soomaaliya neyl waxaa looga yaqaanaa ilmaha idaha.
Inkastoo ay jiraan in ka badan 300 oo nooc oo adhi ah, hadana xoolaha ugu dhow adhiga ee qaraabada dhow yihiin waxa ka mid ahidaha, adhiga duurjoogta ah iyo sagaarada.
Wakhti imika laga joogo 10,000 oo sano ka hor, ayaa wadanka Iiraan lagu dhaqan jirey adhiga, laakiin waxaa la aaminsan yahay in wakhti intaas ka badan ka hor dadku dhaqan jirey adhiga.
Sida la sheego, dadkii ugu hooreeyay wax beerida ayaa carbistey adhigii ugu horeeyay sababtoo ah caanaha, hilibka, dhogorta iyo timaha hargaha oo laga sameeyo dhar, lafaha ooy u isticmaali jireen adeeygeeda, digada oo carada lagu nafaqeeyo ayaa muhiim u ahaa dadkaas beeraleyda ah.