Naasley

Ka Wikipedia
Xayawaan
Noocyo ka mid ah xayawaanka, gaar ahaan naasleyda.

Kooxda 1aad: fiidmeer, obossum, kangaroo.
Kooxda 2aad: mole, dadka, seal-ka.
Kooxda 3aad: Dabangaale, bangolin, Maroodi.
Kooxda 4aad: blatypus, lemur, deero.
Kooxda 5aad: nibiri, mole, buti.
Kooxda 6aad: armadillo, dameer farow, maroodi dhuux.

Kala soocida cilmiga ah
Qeybo kale
  • Clade Australosphenida
    • Ausktribosphenida
    • Monotremata
  • Eutriconodonta
  • Gobiconodonta
  • Multituberculata
  • Trechnotheria
    • Theria
      • Marsupialia
      • Placentalia
Qaar ka mid ah noocyada kala duwan ee Naasleyda ah, sida: Fiidmeer, Kaangaruu, Maroodi-badeed, bani-adam, Dabagaale, Dacawo, Maroodi, Deero, Nibiri, Buti, Dameer farow iyo kuwo kale.

Naasley (Af Ingiriis : mammal; Af Carabi : ar‎) waa qayb ka mid ah xayawaanka oo ka duwan noocyada kale ee noolaha sida shimbiraha iyo xamaarato sababtoo waxay leeyihiin timo, sadex lafood dhegaha dhexdooda, naaso dhedigu leeyahay, iyo unugyo maskaxda ku yaala oo loo yaqaano neocortex.

Maskaxda Naasleydu waxay maamushaa heerkulka jidhka iyo isku-wareega dhiiga ee ka yimaada wadnaha.

Naasleyda waxaa ka mid ah xayawaanka ugu wayn dunida, sida Nibiriga, iyo xayawaanka ugu caqliga badan dhulka, sida dadka iyo maroodiga.

Qaab-dhismeedka Naasleydu intooda u badan waa jidh leh afar lugood iyo lafdhabar, inkastoo kuwa ku nool biyaha iyo hawada ka duwan yihiin. Dadku waa Naasley leh labo lugood iyo lafdhabar dheer oo isku xidha waaxyaha jidhka.

Xajmiga jidhka naasleydu wuu kala duwan yahay, tan ugu yar oo ah Fiidmeerta 40 mm (1.2–1.6 in) ilaa kan ugu wayn Nibiriga 33 mitir (108 ft).

Naasleyda Dhedig waxay leedahay tiro kala duwan oo naaso ah, kuwaas ooy nuujiyaan ilmahooda.

Sanadkii 2006dii noocyada naasleyda dunida waxaa lagu sheegay ineey yihiin 5,416 species.

Sidoo kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]