Buti

Ka Wikipedia
Butida cas ee ku nool wadanka Norway.
Butidu waa xayawaan ku nool dhulka cimilada qaboow leh.

Buti (Af Ingiriis : Bear; Af Carabi : ar‎) waa xayawaan aad u wany oo duurjoog ah, taas oo ka mid ah xayawaanka naasleyda ah. Butidu waxay u eegtahay eyga waana hilibcun, ugaadhsata xoolaha, dadka iyo kaluunka.

Butidu waa xayawaan ku nool dhulka cimilada qaboow leh ee jooga sareeya sida buuraha. Waxayna u badan tahay qaaradaha Koonfur Ameerika, Waqooyiga Ameerika, Yurub, Aasiya iyo labada cidhif ee dhulka.

Guud ahaan, butidu waxay leedahay jidh wayn, labo lugood oo awood badan, labo gacmood oo cidiyo dhaadheer, af soo taagan oo shan miciyood ku yaalaan iyo timo dhogor badan oo ku dahaaran jidhka.

Sanka Butidu waa mid meel dheer wax ka urin kara. Sidoo kale, butidu waa xayawaan adkeysi badan u leh qaboowga ayadoo Butida Cad eey ku nooshahay cidhifyada dhulka.

Inkastoo noocyo badan oo butida ka mid ah tafiir go'een, maanta waxaa jira sideed nooc oo buti ah kuna kala nool daafaha dhulka.

Butida cas

Taariikhda Butida[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Noocyada Butida[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Inta la yaqaano ee nool maanta waa sideed nooc oo buti ah. Waxaa ka mid ah: Butida Cad, Butida Cas, Butida Cowlan, Butida Gaaban, Bandha, Butida Qoraxda iyo Butida Islothka.

Butida Cad[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Butida Cad waa nooc ka mid ah xayawaanka jidhka wayn leh ee ku nool Cidhifka Waqooyi iyo Cidhifka Koonfureed ee dhulka.

Butida Cas[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Butida Cas waa nooc ka mid ah butida taas oo laga helo waqooyiga Aasiya, sida Shiinaha iyo Ruushka.

Butida Cowlan[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Butida Cowlan waa xayawaan aad u wayn oo ku nool keymaha iyo buuraha joogoodu sareeyo. Butidani waxay ku nooshahay keymaha Rainforest ee Koonfur Ameerika.

Butida Gaaban[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Butida Gaaban waa nooc ka mid ah butida, laakiin ka gaaban dhererka. Butidan oo inta badan laga helo qaarada Aasiya iyo meelo ka mid ah keeymaha Tayga ayaa waxay leedahay dhogor aad uga dheer dhogorta noocyada kale ee butida.

Butida Qoraxda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Butida Qoraxda waa nooc ka mid ah butida oo inta badan ku nool wadanada cimiladoodu diiran tahay.

Bandha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bandha ama (Panda) waa buti jidhkeedu aad u wayn yahay, isla markaana leh cidiyo dhaadheer ooy ku waxyeelayso xoolaha ay ugaadhsanayso. Noocan waxaa laga helaa bariga iyo badhtamaha wadanka Shiinaha iyo meelo ka mid ah dalka Ruushka, waxaanay leedahay raadka bisada oo kale (cat-foot).

Butida Isloth[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Butida Isloth ama (Sloth Bear) waa nooc butida ka mid ah oo aad ugu muuqaal eeg eyga, jidhkeeduna ka yar yahay noocyada kale ee butida. Noocan waxaa laga helaa meelo badan oo Aasiya iyo Koonfur Ameerika ka mid ah.

Muuqaalo[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]