Careys Karshe

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Careys Ciise Karshe)
Jump to navigation Jump to search

Careys Ciise Karshe wuxuu ah nin ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku caanka baxay gabayayada, geeraarka iyo Saarka. Careys wuxuu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, Gobolka Galguduud.

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Careys Kaarshe oo ahaa saaryahan weyn oo Soomaaliyeed wuxuu Ku dhashay tuulo u dhaw kismaayo careeys wuxuu ahaa geesi buuxa oo waliba gobanimadu kala weyntahay waxkastoo yaala guudka dunida. Sida la wariyay Careys wuxuu ahaa Wiilkii seddaxaad oo uu dhalay Ciise Kaarshe,

Careys Ciise wuxuu ahaa xoola raac si walba ula qeybsaday dhib iyo dheefba beesha uu la noolaa. Intaa waxaa u wehelisay in uu Quraanka Kariimka ah si fiican u yaqiin maadaama uu ahaa wadaad.

Careys Ciise Af-maal nimada ka sakow wuxuu ahaa nin Wadani ah oo mar kasta jecel bulshaweynta Soomaaliyeed in uu waajibka saaran ee Qaranimo ku booriyo, ugana digo wax kasta oo uu isleeyahay waa qalad. Careys Ciise wuxuu Fanaaniinta Waabari ku soo biiray amaba ka mid noqday lixdameeyadii markii labada gobol ee Soomaaliyeed Midoobeen. Careys wuxuu ka mid noqday Kooxda Waabari markii uu wacdaro layaab leh ee Suugaaneed uu ka muujiyay Munaasibaad lagu xusayay isku darkii labada gobol Waqooyi iyo Koonfur, Xafladaasoo lagu Maamusayey israaca Labada Gobol laguna qabtay Gobolka Jubbada Hoose Magaalada Kismaayo. Xafladaas waxaa ka soo qeeb galay Wariirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Warfaafinta, Ujeeddada waftigana waxay ahayd inay kala qayb galaan dadweynaha ku nool Gobolka Jubbada Hoose, fantasiyaha damaashaadka maalinta kowda Luuliyo. Waftigii waxaana ka qeeyb ahaa suugaan-yahanadii madasha ka hadlay Careys Ciise iyo koox dumar ah oo isaga wehelisay, watana dharkii Hiddaha iyo dhaqanka aanu u lahayn. Careys Ciise fagaarahaas wacdaro aan la soo koobi kareyn ayuu ka muujiyay, wuxuuna tiriyay saar ku saabsan Munaasibada kowda Luuliyo. Waxaa kale oo uu halkaa ka tiriyay Saar ku saabsan waxa uu Ingiriisku u hortaagan yahay xornimada N.F.D. wuxuuna yiri sidatan:

Afrika iyo Eeshiya
Iyo orobaba dhammaan
Iyaguba way noo ordaye
Maxaad Ingiriis adigu
Albaabka u taagan tahay
Eed Soomaalida u adyadeyn

Suugaanta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Careys Ciise Kaarshe wuxuu ka mid ahaa kooxdii lixaad ee Hobolada waabari oo gashay Dugsiga Tababarka Xalane 1972dii, halkaas oo lagu barayay Tababarka Ciidamada iyo Maamulka Shaqada. Careys inkastuu ahaa nin waayeel ah, haddana niyadiisu aad iyo aad ayey uga wanaagsaneed kan dhallinyarada, wuuna ka firfircoonaa mar kastana wuxuu jeclaa in uu ilaaliyo Magaca kooxdiisa Waabari. Careys Ciise Maalin Maalmaha ka mid ahayd isaga oo gudanaaya shaqadiisii tababarka ahayd, ayaa wadna-xanuun ku soo booday. Maalintaas taariikhdu waxay ahayd 6-6-1972dii Maalin Arbaca ah, waxaana isla markii loola cararay Isbitaalka Xoogga, halkaas oo uu ku nafwaayay 6-8-1972dii. Careys Geeridiisii Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto aad ayey uga murugoodeen, xabaashiisiina si fiican oo sharaf iyo xurmad mudan ayaa loo qabanqaabiyay, loogana soo qeyb galay. Careys wuxuu ifka kaga tagay qoys ka kooban lix qof. shan caruur oo isugu jirta Afar wiil iyo Gabar, iyo Hooyadood. Careys Ciise in kasta oo uu dhintay, maantana nala joogin oo noo muuqan, haddana Taariikhda Suugaaneed ee Ummadda Soomaaliyeed marnaba lagama yaabo in ay hilmaanto kaalinta lama ilaawaanka ah ee uu ka galay. Taasaana keentay in lagu xuso Qoraal kasta oo laga qoro Suugaanta Soomaaliyeed.

Qaar ka mida Gabayada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Hooyadu waa lama huraan
  • Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo..
  • Gumaysi iyo Gobonimo ma laba la is garab dhigaa..?
  • Dhulkeennu waa Magool mirey geeduhu dhaleen..
  • Wan iyo Waraabe, iyo qaybo badan oo wadaniyadda taabanahaya.

Waa taariikh aad u fiican in wax laga ogaado ee fadlan haddii aad jeceshahay inaad wax ku darted raaci bogga hoose si aan wax uga ogaano ku darniinkaada.

Saarka Hooyadu waa lama huraan.

  • Higaad waa la akhriyaa
  • Hagaag waa loo socdaa
  • Hor waa loo sii hoydaa
  • Hadal waa la hindisaa
  • Ha'dii kale waxaan lahaa
  • Mudaan uurka hurrudnoo
  • Culays bey hayn jidhoo
  • Talaabtey la hakatoo
  • Xanuun bey la hingatey
  • HOOYADU WAA LAMA HURAAN!
  • Ha'dii kale waxaan lahaa
  • Habeen goor uu bartamay
  • Caanihii bey nagu habtoo
  • Horaadkeey noo dhigtoo
  • Dharkii bey na huwiseye
  • HOOYADU WAA LAMA HURAAN!


  • Calooshaadoon hif oran
  • Adiga oon ka haqabbi'in
  • Hunguri ma haweeysatee
  • HOOYADU WAA LAMA HURAAN!
  • Habaaq goor aad tahayo
  • Talaabta aan la holi karin
  • Adoo ciidii hambaday
  • Dhaqsaba waa ku hinjisaye
  • HOOYADU WAA LAMA HURAAN!
  • Afkaa aan ku hadalniyo
  • Hannaankeeniyo hub qaad
  • Hagaag bey noo bartey
  • HOOYADU WAA LAMA HURAAN!
  • Innaga oon haybad qabin
  • Hal beesa aan suubsan karin
  • Habaaskeey naga huftoo
  • Waa tii noo hiilisaye
  • HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]