Jump to content

Galguduud

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Gobolka Galguduud)
Galguduud
File:=
Galguduud is located in Earth
Galguduud
Galguduud
waxay soomaaliya kaga taal ama.
Dalka Soomaaliya
XaruntaDhuusamareeb
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Galguduud ama (galgaduud) waa gobol ka mid ah Gobolada Soomaaliya wuxuunu ku yaalaa bartamaha Soomaaliya.

Waqooyi waxaa ka xiga gobolka Mudug, koonfur gobolka Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, galbeed gobolka Soomaali-Galbeed iyo bari oo ka xigta Badweynta Hindiya.

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Dhuusamareeb wana meesha laga arimiyo dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool iyo kaluumeeysi iyo xoogaa beeraha ah. Magaala madaxdiisa 2 baad tahay Cadaado oo ah magaalada ugu baaxada weyn gobolka galgaduud, sidoo kale waa xarunta baarlamaanka galmudug. Iyadoo ah xaruntii lagu aas aasay galmudugta hadda la arkayo , cadaado waa magalada ugu qurxoon deganada galmudug ,iyadoo leh amni laysku halayn karo , sidoo kale waxey leedahay magalada cadaado meelo kala duwan oo lagu dalxiiso , hotel , dooxooyin. Casimadii hore waa Ceel Buur oo ah magaalo qadiimi ah kana mid ah magaalooyinka ugu taariiikhda dheer dalka, waxay caan ku tahay habka burjika sameenta wax soo saarka cusbada iyo agabyada laga qoro dhagaxda Ceelbuur ee jilicsan kuwaa oo laga qodo dhulka hoostiisa oo ay ceelbuur ku tahay Hodan.

Qabaailka dega waxaa kamid ah

1 Murusade

.2 Habar gidir

3 surre

4 Mareexaan

5 abgaal

6 Duduble

7 shiikhaaL

== Degmooyinka gobolka Galguduud



Xaafadaha ay ka koooban tahay magaalo madaxda gobolka ee Dhuusa Mareeb

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  • Dayax (Xaafad) waa xaafada ay ku yaalaan degaanada iyo xeryaha ciidamadda militeriga. Jihada Qorox u dhac (Galbeed)
  • Horseed koonfor bari
  • Waxarcadde waqooy bari
  • Waabarieel waa xafada kutalo jihada qorox kasoobaxa(Bari)