Bari (Gobol)

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Bari
Gobolka Bari ee Soomaaliya
Caasimada Boosaaso
Weyninka 80,900

population = 350.000 population_as_of =2009 [1] km²

Shacabka {{{population}}} ({{{population_as_of}}})
isku dhawaan 17,78 inh./km²
Bogga internetka {{{website}}}
Somalia regions map Bari.svg

Bari waa gobol ku yaal woqooyibari Soomaaliya.

Muuqaal guud[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Bari waa gobolka baaxadda weyn Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxana uu soohdin la leeyahay gobollada Sanaag iyo Sool oo dhanka galbeed ah, Nugaal oo dhanka koonfureed ah, iyo sidoo kale Gacanka Cadmeed oo woqooyiga ah iyo Badweynta Hindiya oo bariga ah. Fiinta ugu dheer gobolka Bari waa buurta Baxaya oo ah joog dhan 2200 mitir. Magaalomadaxda gobolku waa Boosaaso.

Gobolku waxa uu maamul ahaan hoos yimaadaa dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, oo uu ku biiray 1998.

Dadka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Tirokoobkii 1986 waxa uu dadka deggan ku qiyaasay 222 kun oo dhalasho ahaan Soomaali wada ah. Dadka gobolka dega waxaa loo yaqaan Reer Bari.

Degmooyinka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Gobolka Bari waxa uu ka kooban yahay lix degmo[1].

Dowladda Puntland waxa ay maamul ahaan u sii kala qaybisay gobolka Bari saddex qaybood oo kala ah Karkaar oo ka kooban degmooyinka Qardho, Bayla, Waaciye, Rako iyo Xaafuun; Bari oo ka kooban degmooyinka Boosaaso, Iskushuban, Qandala, Carmo iyo Ufayn; iyo Gardafuul oo ka kooban Caluula, Baargaal iyo Casayr.

  1. "Gobolka Bari". http://reliefweb.int/sites/reliefweb.int/files/resources/121024_Administrative_Map_Bari_A4.pdf. Retrieved 30 Diseembar 2013.