Banaadir

Ka Wikipedia
Caasimadda Banaadir waa Xamarweyne
Flag
Caasimadda Banaadir waa Xamarweyne is located in Earth
Caasimadda Banaadir waa Xamarweyne
Caasimadda Banaadir waa Xamarweyne
Waxay uga taal Soomaaliya ama.
Dalka Soomaaliya
CaasimaddaMuqdisho
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Banaadir waa gobolka ugu yar misna ugu dadka badan dalka Soomaaliya, wuxuuna ka kooban yahay 17 degmo iyo 3 deegaan dagmo waana magaala madaxda dalka Soomaaliya, Xamar iyo baadiyaha ku xeeran. Banaadir waxaa waqooyi ka xiga gobolka Shabeellaha Dhexe koonfurna Shabeellaha Hoose iyo bari oo ay ka xigto Badweynta Hindiya. Bulshada ku nool gobolka Banaadir waa dad ilbax waxayna martigeliyaan Soomaalida inteeda kale waxayn isku jiraan xoolo dhaqato iyo kaluumaysato waxaana ka mid ah qabaa,ilka ugu badan gobolka wacdaan, Reer xamar sido kalana mursade,gaaljecel, habargidir waxaa kaloo jiro qabaa,il kale oo keeno magaalada xoolahq nool iyo caanaha,dhuxusha waxaana ka mid ah gaaljecel kuwaso ku yimid ganacsi Balse Qabailka ugu faca weyn waa Wacdaan Cusman Abgal Cusmaan iyo Reer xamar Banaadir waxaa la isku dhihi jiray qarnigii 19aad Magaalooyinka Soomaaliyeed ee ku yaal xeebaha Badweynta Hindiya laga bilaabo Warshiikh laguna geeyo magaalada Baraawe. Waaguu gumaysiga Talyaaniga koonfurta Soomaaliya katalin jirey iyo horaantii madaxbanaanida dalka Soomaaliya, Banaadir waxay ka koobanayd gobolada hadda loo kala yaqaan Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Banaadir balse waxaa la bedelay 1982 markii ay Dawladda Kacaanka bedeshey soohdimaha gobolada Dalka Soomaaliya. Magaalada muqdishu hada layiraah gobolka banaadir waxay ahayed degmo ka mid ah degmooyimkii uu ka koobnaa Gobolkii Exbanadir sida Warshiikh, Jaziira, Gandarshe, Marka, Barrawe.