Waaciye

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Waaciye
Waiye
—  Magaalo  —
Waaciye is located in Somalia
Waaciye
Waaciye
Dhacdaa: 10°00′N 49°02′E / 10.000°N 49.033°E / 10.000; 49.033
Country  Somalia
Gobolka Bari/Karkaar
Magaalo Waaciye
Ku bilaabmay Goob ganacsi 1930
Xukunka
 • Nooca Degmo
 • Duqa Degmada Xirsi Siciid Faarax (Xirsi Gaataa)
Saacad EAT (UTC+3)

Waaciye(Af-Ingiriis: Waiye) (Af-Carabi: واييي ), Waa degmo ka tirsan gobolka Bari Waxay dhacdaa meel u dhexeysa Magaalooyinka Boosaaso iyo garoowe.

Waaciye waxaa la aasaasay sanadku markuu ahaa 1929-1930, Xiligaasoo niman Ganacsato ah oo sharaa'ik xoolaha dhoofiya lahaa ay ka dhiseen Berkedo iyo dhawr guri. Ganacsatadaas oo kala Ahaa

  1. Axmed Xasan Fiqi
  2. Jaamac Xasan Fiqi
  3. Geedi Aadan Sugule &
  4. Maxamuud Aadan Sugule

Waaciye wexey ku taal barta ay iska gooyaan dhigta 10.0166667° iyo loolka 49.0333333°. Waaciye wexey degmo u tahay oo ay xukuntaa Xidda, Qayaadsame, Juurile, Dalweyn Sheerbi iyo baadiyaha ku xaydaaman tuulooyinkaas oo ay reer miyigu degaan.
Dhul aad u ballaaran oo ay reer miyi ku nool yihiin ayaa ka xiga bariga iyo galbeedka. Dhulkaas iyo tuulooyinka ku xaydaaman waaciye wexey kala yihiin:

  1. • Togga Waaciye oo waqooyi bari ka mara
  2. • Candha bahal iyo Cuunka ayaa waqooyi galbeed ka xiga
  3. • Xidda iyo sheerbi oo koonfur ka xiga
  4. • Haracley
  5. • Togga geri fud
  6. • Qayaadsame oo waqooyi bari ka xiga
  7. • Togga Gurran
  8. • Gurrane
  9. • Mashax Goble
  10. • Xolxoshin
  11. • Garigay
  12. • Dalagoble
  13. • Booxaaro
  14. • Daanteb
  15. • Kal Midgood
  16. • Kolutidgan
  17. • Dundun Garab Cad
  18. • Dharkaynta
  19. • Dhidhin canjeelle
  20. • Xeradaa mudulo
  21. • Bilcil geel jecel
  22. • Far Meygaag
  23. • Gubato
  24. • Dalweyn
  25. • Xumurdoon
  26. • Booxaaroyar
  27. • Dalcawle
  28. • Gob Xiddo
  29. • Damal joogle
  30. • Daraqabad
  31. • Xangey
  32. • Karin lafale
  33. • Caleemaley
  34. • Hullal
  35. • Karin gubad
  36. • Samaysa dheer

iyo weliba kuwa kale oo liiskan ka maqan. Waaciye waxaa marta waddada weyn ee isku xirta waddanka labadiisa cirif, bari iyo koonfur. Degmadu aad ayey sanadadan dambe u dhismaysey oo guryo qurxoon oo magaalada bilicdeeda bilaya ayaa la mooddaa iney meelo badan ka muuqanayaan.
Degmadu wexey leedahay cusbitaal weyn, dugsi sare, dugsi hoose-dhexe iyo machad waxbarasho. Degmada waxaa ku yaalley laba hoteel oo saaran waddada weyn ee dhexmarta degmada. Degmadu wexey leedahay saylad xoolaha lagu kala iibsado oo ay dhir badani deyr u tahay. Degmadu wexey leedahay dukaamo, farmashiyayaal, xawaalad, ceel biyihiisa la sifeeyo, biibitooyin shaah, Bakhaarro cunto, Berkedo badan, afar masaajid iyo laba kale oo dhismohooda la bilaabay taasoo ka dhigi doonta tirada masaajidyada lix xabbo.
Degmadu wexey u fideysaa dhanka koonfureed ee ay tuulada xiddo xigto.
Dhanka waqooyi bari waxaa ka soo xiray togga Waaciye kaasoo xilliyada roobka goosta dhul badan una dureera dhanka haracley isagoo jirid siibaya dhirta nawaaxigaas ku taalla.

Cimilada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Waaciye waa degmo jawigeedu aad u wanaagsan yahay taasoo keenta in dad badni yimaadaan xilliga xagaaga, Xilligaas oo dad badni ka soo xagaa baxaan Boosaaso kululaylka ka jira awgiis. --Cabdirashiid 22:30, 10 Oktoobar 2011 (UTC)

Degmooyinka Gobolka Bari Calanka Soomaaliya
Bander Beyla · Ballidhidin · Boosaaso · Caluula · Carmo · Iskushuban · Qandala · Qardho · Ufayn · Waaiye