Xidda

Ka Wikipedia
Xidda

هدى
Magaalo
Xidda is located in Somalia
Xidda
Xidda
Coordinates: 10°00′N 49°02′E / 10.000°N 49.033°E / 10.000; 49.033Coordinates: 10°00′N 49°02′E / 10.000°N 49.033°E / 10.000; 49.033
CountrySomalia
RegionPuntland
RegionBari
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Xidda(Af Ingiriis : Hida; Af Carabi : ar‎) waa magaalo ka tirsan gobolka Bari Waxay kamid tahay Magaalooyinka hoos yimaada Degmada Waaciye .

Markii u horaysay ee la dego waxay ahayd sanadku markuu ahaa 1922. Waa Magaalo qurux badan, Cimilo wanaagsan, waana magaalo dadkeedu u badan yahay dhalinyaro aad u da yar.

Guudmaris[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay magaalooyinka aadka u koraya, waxaa ku yaala dhismayaal aad u qurux badan, masaajido fara badan, meelo lagu madadaasho, waana magaalo aad u soo jiidata dad badan xilliyada kulaylaha ee La ga soo xaggaa baxo magaalada Boosaaso. Waxay ku taal goob aad ugu wanaagsan goob magaalo, waxaana ku hareeraysan deegaano aad u tiro badan oo la degan yahay.

Magaaladu waxay caanku tahay Dhallinyaro aad ugu firfircoon dhan kasta.

Waxbarashada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Marka loo eego Wasaaradda Waxbarashada Puntland Waxaa ku yaala Xidda Afar (4) Iskool Hoose dhexe Iyo Hal (1) Iskool Dugsi Sare ah. Sidoo kale waxay leedahay Madarisooyin lagu barto Quraanka Kariimka ah.