Bander Beyla
Bayla Bandar Beyla بندر بيلا | |
|---|---|
Magaalo | |
| Wadanka | |
| Gobol | Bari |
| Degmo | Degmada Bayla |
| Tirada dadka | |
| • Dhammaan | 16,700 |
| Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Bandar Beyla (Af Ingiriis : Bayla, Af Carabi: بندر بيلا), waa magaalo xeebeed ku taala waqooyibari gobolka Bari ee wadanka Soomaaliya. Magaaladani waxay xudun u tahay Degmada Bayla. Bander Beyla waa degmo xeebeed oo ku taalo Gobolka Bari ee woqooyiga soomaaliya. Degmadaan waxee magaalada Qardho u jirtaa 220 km dhinaca bari.Degmadaan waxee ka midtahay meelihii ku burburay Tsunamigii dhacay 2004ta.Bandar beyla waxee daris la tahay Badweynta Hindiya.
Taariikh
Bayla waxay dhacdaa juquraafi ahaan madaxa sare ee deegaanka loo yaqaano Raas Macbar (Cape Ma'bar). Wakhtiyihii hore magaaladani waxay ahayd meel aad ugu muhiim ah badmaaxiinta iskaga gudbeysa Gacanka Cadmeed, Badweynta Hindiya iyo qaarada Afrika.[1]
Waxyaabaha taariikhiga ah ee magaaladan qadiimiga ah lagu yaqaaney waxaa ka mid ah dhisida dooni a soohay, oon lahayn wax musbaar ah.[2]
Badhtimihii sanadkii 2004ta waxaa dhaawac daran soo gaadhsiiyay magaaladan duufaantii (tsunami) ka dhalatay dhulgariirkii Badweynta Hindiya, kaasi oo khasaare naf iyo xoolo geystay.[3]
Maamulka
Magaalada Bayle waxay ka tirsan tahay maamulka Puntland.[4]
Bulshada
Magaalada Bayla waxaa ku dhaqan dad tiradoodu gaadhayso ilaa 16,700 qof.[5] Dhinaca kale, Degmada Bayle waxay leeday bulsho gaadhaysa ilaa 14,376 qof.[6]
Waxbarashada
Sida ay sheegtay Wasaaada Waxbarashada Puntland, magaalada Belye waxay leedahay 13 dugsi kuwasi oo ku baahsan dhamaan Degmada Bayla. Dugsiyada ugu caansan waxaa ka mid ah Rasul-Macbar, Kulule, Caris iyo Qoton.[7]
Sidoo kale fiiri
Xigasho
Tixraac
- ↑ Serjeant, R. B. (1982). Hadramawt to Zanzibar: The Pilot-Poem of the Nakhudha Said Ba Tayi of Al Hami. pp. 109–127.
- ↑ Chittick, Neville (1975). An Archaeological Reconnaissance in the Horn: The British-Somali Expedition, 1975. p. 127.
- ↑ "Somalia: Extent of Affected Areas due to Tsunami" (PDF). World Health Organization. January 18, 2005. Retrieved February 12, 2007.
- ↑ "Service denied for individuals without Puntland identity card". Goobjoog. 30 October 2014. Archived from the original on 4 Bisha Shanaad 2023. Retrieved 31 October 2014.
{{cite news}}: Check date values in:|archive-date=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ "Somalia City & Town Population". Tageo. Retrieved 4 October 2013.
- ↑ "Regions, districts, and their populations: Somalia 2005 (draft)" (PDF). UNDP. Archived from the original (PDF) on 28 Bisha Todobaad 2017. Retrieved 21 September 2013.
{{cite web}}: Check date values in:|archive-date=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ "Puntland - Primary schools". Ministry of Education of Puntland. Retrieved 26 May 2013.