Bargaan

Ka Wikipedia

Bargaan waa degmo dhacdo bariga gobalka Galgaduud, waxa ayna ka tirsantahay maamul gobaledka Galmudug, waxaa ku nool dad kor udhaafaya ilaa 50, 000 (Konton kun) oo qofood. Waxaa kuyaalo magaalada Bargaan, Iskool Hoose Dhexe, Isbitaal iyo Saldhig Boolis*.

Sidookale kooxa magaalada waaa ku yaalo 2 suuq oo kala ah suuqa caana iyo suuqa xoolaha, Suuqa caanaha waxaa lagu iibiyaa caanaha iyo dalagyada kale ee ka baxo degmada, halka suuqa xoolahana lagu iibiyo Ariga Lo'da iyo Geela.

Dhaqaalaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bargaan waxaa ay caan ku tahay wax soo saarka digirta , falagta,sisinta iyo waxaaba kale. Sidoo kale waxay caan ku tahay dhaqashada xooloaha sida ari'ga , Idaha, lo'da, Geela,Fardaha iyo dameeraha.

Juquraafi[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bargaan waxaa ay dhanka koonfur bari kaga beegan yahay Dagmada Ceel buur qiyaas ahaan 59KM

Bargaan Waxaa daris la ah degmooyinka Jacar ,galhareeri,iyo ceeldheer.

Degmada Jacar Waxay Ujirtaa 19KM, Galhareeri Waxay Ujirtaa 21KM Ceeldheere Waxay Ujirtaa 60KM.

Degmada waxaa dego beelweynta Murusade, Gaar ahaan waxaa ku badan beesha Abakar Majabe.