Cadaado

Ka Wikipedia
Cadaado
عدادو
Adado
Magaalo
Cadaado عدادو Adado is located in Somalia
Cadaado عدادو Adado
Cadaado
عدادو
Adado
Meesha kaga taalo wadanka Soomaaliya.
Wadanka Somalia
GobolkaGalguduud
DegmoDegmada Cadaado
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Cadaado (Af Ingiriis : Adado; Af Carabi : ar‎) waa magaalo ku taala Degmada Cadaado ee badhtamaha gobolka Galmudug wadanka Soomaaliya, taasi oo ah xarunta ganacsiga maamulka Galmudug waana mid ka mid ah degmooyinka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.[1]

Inkastoo ay ka mid aheyd degmooyinkii la magacaabay xiligii dawladii dhexe hadana waxa ay sameysay horumar aad u ballaaran oo xaga dhismaha,waxbarashada,ganacsiga,Isbitaalada iyo warbaahinta wixii ka dambeeyey burburkii dawladii dhexe ee soomaaliya.

Waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay magaalada ugu bilicda iyo dhismayaasha wanaagsan guud ahaan degmooyinka gobolka Galgaduud taasi oo keentay in ay marti galiso shirkii lagu dhisay maamulka Galmudug sidoo kalena si aan kala joogsi la heyn booqasho ugu tagaan Mas’uuliyiinta dawlada soomaaliya.

Madaxdii dawladihii is xig xigay ee dalka ayaa lagu xasuustaa in ay tageen magaalada Cadaado ee xarunta ganacsiga maamulka Galmudug qaarkoodna maalmo iyo habeeno halkaasi ay ku sugnaayeen.

labo ka mid ah madaxweynayaashii soomaaliya oo kala ah Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Muxamuud ayaa lagu xasuustaa in ay tageen magaalada Cadaado iyagoo hogaaminayo wufuud markaasi ku jiray dawladihii madaxda ay ahaayeen.

Waxbarashada

Magaalada Cadaado ee xarunta ganacsiga Galmudug waxaa ku yaalo 25 dugsiyo Hoose/Dhexe iyo  12Dugsiyo sare ah waxaa sidoo kale ku taalo xarunta jaamacada SIMAD ee gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Iskuulada ku yaala magaalada waxaa ka mid ah a)Imaamu Maalik   b) Hayaan    c)Suldaan Axmed Nuur.

d)Cumar-Faaruuq.    e) ileys    f) imaamu Nawawi  iyo kuwo kale.

Dadka ku dhaqan Cadaado ayaa ah kuwo lagu yaqaano barshada diinta islaamka iyadoo magaalada ay ku yaalaan Madaaris lagu barto shareecada Islaamka.

Ganacsiga

Degmadaan ganacsigeeda waxuu ku xiranyahay magaalooyinka muqdisho,beledwayne,Gaalkacyo,Hargeysa iyo Boosaaso oo ah meelaha ay leeyihiin xiriirka xaga ganacsiga ah.

Magaaladan cadaado waxaa ku yaala seelad aa u ballaaran oo lagu iibiyo xoolaha loo dhoofiyo dalalka carabta.

Waxaa ku yaalo magaalada suuqyo dadku ay ka adeegtaan oo isugu jiro kuwa dharka,Raashinka,Hilibka iyo adeeg yada kale ee dadku u baahan yihiin.

Qaar ka mid ah sshirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha dalka ayaa xarumo ka sameystay magaalada taas oo qeyb ka qaadatay hormarka ay sameynayso magaalada Cadaado.

Caafimaadka

Waxaa magaalada Cadaado ku yaalo 2 isbitaal oo kala ah   A) Adado hospital.

B) Al-Biri hospital.

Adado hospital ayaa ah isbitaalkii dawlada waxa uuna markiiba qaabili karaa bukaano aad u badan.

Isbitaalka kale ee Al-Biri ayaa ah farac uu halkaasi ku leeyahay isbitaalka Al-Biri oo xaruntiisa ugu balaaran ay ku taalo magaalada Muqdisho.

Isbitaalada ku yaala gudaha magaalada Cadaado ayaa marka laga tago dadka magaalada ku dhaqan waxa ay sidoo kale qaabilaan dadka ka yimaada deegaanada ku dhow dhow magaalada ee aysan ka jirin xarumo caafimaad oo dadka u adeega.

Warbaahinta

Magaalada Cadaado ee xarunta ganacsiga Galmudug waxaa ku yaalo dhawr idaacadood oo isugu jira idaacado saldhigooda rasmiga ah uu yahay magaalada iyo laamo ama faracyo halkaasi ay ka furteen idaacadaha muqdisho qaarkood.

Sidoo kale magaalada waxaa wakiil wareedyo ka sameystay qaar ka mid ah idaacadaha iyo telefeshinada afka soomaaliga wax ku baahiya.

u magacaabitaanka xarunta ganacsiga Galmudug :

Magaaladan waxaa ka tali jiray isla markaana caasimad ay u aheyd maamulkii Ximan iyo xeeb oo ahaa maamul ay dhisteen dadka deegaanka, balse hada waxaa ka arimiya maamulka Galmudug oo lagu dhisay shir uu madaxweynaha Somaaliya xasan sheikh Muxamuud uu ka furay 16/04/2015-kii gudaha magaalada Cadaado.

madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayaa u magacaabay in magaalada Cadaado ay tahy xarunta Ganacsiga maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ku sheegay wareegtada ka soo baxday xafiis kiisa, in ka gadaal markuu eegay abaalka ay ku leedahay Cadaado oo ah halka lagu dhisay maamuka uu madaxda ka yahay ,amaanka ka jiro magaalada iyo in ay tahay meel u dayaarsan qabashada xilkaasi adag uu garwaaq saday in uu u magacaabo in ay noqoto xarunta xarunta ganacsiga maamulka Galmudug.

Sidoo Kale Fiiri

Xigasho

  1. . 13 June 2013 http://sabahionline.com/en_GB/articles/hoa/articles/newsbriefs/2013/06/13/newsbrief-01. Soo qaatay 13 April 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)