Dagaalkii koowaad ee aduunka
Appearance
Dagaalkii koowaad ee dunida ama loo yaqaano (Dagaalweynihii koowaad ee dunida) wuxuu bilawday (28 July 1914 ilaa 11 November 1918) wuxuu ahaa dagaalweyne adduun oo u dhaxeeyay xulufada iyo awoodihii dhexe. Dagaalkaan ayaa xoogiisa wuxuu ka dhacay yurub iyo qeybo kamid ah bariga dhexe. sidoo kale meelihii uuka dhacay waxaa kamid ahaa Africa iyo Asia-pacific,
Dagaalkii koowaad ee adduunka wuxuu caan ku yahay inuu ahaa mid kamid ah dagaaladii ugu dhimashada badnaa Taariikhda banii aadamka, sababtayna geerida 10 milyan oo qof halka in kabdan 20 milyanna ay ku dhaawacmeen, qaaradii yurubna waxay gashay dagaal lagu riiqmay oo laisku adeegsaday taangiyo,madaafiic nooc walba,duqeymo,gaaska wax dila,