Dharkayn-Geenyo

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Dharkayn Geenyo
Darkein Genyo
—  Town  —
Dharkayn Geenyo is located in Somalia
Dharkayn Geenyo
Dharkayn Geenyo
Location in Somalia.
Dhacdaa: 7°59′N 46°58′E / 7.983°N 46.967°E / 7.983; 46.967
Country  Somalia
Region Sool
Saacad EAT (UTC+3)

Dharkayn-Geenyo Waa tuulo Ka Tirsan Gobolka Sool , Waxay Hilaadii 70KM dhanka Koonfur Galbeed Kaga Beegan tahay Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool, Dharkayn-geenyo Waa Magalo Qadiim ah Waxaana ay leedahay Taariikh soo jireen ah.

Dharkayn-Geenyo Waxay Xarun u ahayd Halgankii Barakaysnaa Ee Daraawiishta, Magaca Maagaaladu Wuxuu Ka Kooban Yahay Labo Magac Oo Kala ah Dharkayn Iyo Geenyo, Magacan Wuxuu ku baxay Dhacdo Taariikh ah oo lawada garanayo dharkayn geenyo waxay mar xarun u ahayd ciidankii SSC ee halganka waday 2010 ee xoraynta gobolada SSC Dharkayn wa meesha xad beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeeya uu maro. Waxaa ka socda horumar balaadhan oo dhinac kasta xaga diinta,maadiga,siyaasadda,dhaqaalaha,waxay deris la ledahay tuulada Domco ee waxa kuso noqnoqday dagaalo sokeeyo oo'ay sababeen maamulada khatumo'iyo s/land ilahay hakala qaboojiyo. Waxaa deggan Siciid Harti (Dhulbahante) gaar ahaan beelaha maxamed garaad (baharsame) iyo

Cabdi Garaad(Qayaad).