Garanuugle

Ka Wikipedia

Garanuugle waa magaalo kutaala kilinka shanaad ee ismaamulka Soomaali Galbeed,gaar ahaan waxay ka tirsantahay degmada Gaashaamo ee gobolka Dhagaxbuur. Garanuugle waxay kucaan tahay xoolaha nool gaar ahaan Geela,gamaanka,lo`da iyo adhiga .Magaaladu waxey xuduud la leedahay maamulka Somaliland ilaa 12km. waxayna lajaartahay degmada caanka ah ee Balidhiig.Magaalada Garanuugle waa magaalada labaad ee ugu balaadhan marka laga yimaado degmada Gaashaamo .

Halka ee ku Taalo Magaalada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magaladan Garanuugle waxay ku taalaa barxad ilaahay ku manaystay dhul daaq simeed isugu jira banaan iyo ay jiq ah oo ay kunoolaan karaan dhamaan xolaaha kala duwan iyo ugaadha qaybaheeda kala duwan. Sida magacan aad ka dhandhansankartaan degaanka Garanuugle waxay caan kutahay ugaadha garanuugta oo ay caan ku ahaan jirtay boqolaal sano. Maagalaadan Garanuugle waxaa la aas aasay sanadku markuu ahaa 1965 halkaas uu ahaa qof kii ugu horeeyay ee maagaleeya Xaaji Ibraahin Kabadhe halkaas oo ka unkay haykalkii magaalo, oo kasameeyay maaqaaxi iyo dukaan iyo waliba isaga oo bilaabay qodista baraagtii u horeesay, waxii intaas ka danbeeyay maagaladu waxay noqotay maagalo aad u fiday oo noqotay meel lagu soo hirto.

Waxyaabaha ee Leedahay Magaalada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magaladan Garanuugle waxay kaga duwantahay magaaloyinka ka agdhaw iyadoo maamul dhamays tiran leh sida gudoomiye iyo qabalay ugaara. Waxay leedahay oo kale goobo waxbarasho iyo goobo caafimaad. Magaalada waxaa gudoomiye ka ah Cali Xaaji Ibrahim.

Maamulka Magaalada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magaalada Garanuugle waxa ay leedahay maamul dhisan oo ka kooban Labo iyo Toban oday. Waxa ka mid ah odayaasha magaalada Cali Maxamed Diiriye, Cali Baanday, oo adeer u ah Aqoonyahan Cabdiraxiim Axmed Maxamed, Ibrahim Kabadhe, Cabdi Baaquul, Cabdi Kurus, Hirsi Bidi, iyo kuwo kale.

Magaaladan ayaa caan ku noqotay nabadgelyada, iyo hufnaanta odayaasheeda.