U bood nuxurka

Garsoorada Sare ee Somaliland

Laga soo xigtay Wikipedia, Insaykalobeedhiya xorta ah
Garsoorada Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland
Supreme Court of
the Republic of Somaliland
Dhismaha Garsoorada Sare ee Somaliland
La Aasaasay1991
WadanSomaliland
DhacdaaMaroodi Jeex, Hargeysa
Ogolaansho bixiyayDastuurka Somaliland
Boosaska14
WebsiteOfficial Website
Chief Justice of Somaliland
Wakhti xaadirkanAdan Haji Ali
Ilaa3 Juun 2015 (2015-06-03) [1]

dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland

Sida uu dhigayo Waaxda Garsoorka JSL Waa sidan

QODOBKA 101AAD MAXKAMADDA SARE Maxamadda Sare waa hay'adda ugu sarraysa Garsoorka; isla markaana waxay tahay Maxamadda Dastuurka. Tirada garsoorayaashu waa inaanay ka yaraan Guddoomiyaha iyo afar garsoore; waxaana nidaaminaya xeer gaar ah.

QODOBKA 105AAD MAGACAABIDDA GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE & GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA SARE 1. Madaxweynuhu isaga oo la tashanaya Guddida Cadaaladda, waxa uu magacaabayaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare iyo garsoorayaasha Maxamadda Sare, iyada oo Ia tixgelinayo:- heerka waxbarasho, waayo-aragnimo xirfadeed iyo suubanaan akhlaaqdeed. Magacaabidda Guddomiyaha Maxamadda Sare waxa ansixinaya Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) oo fadhi wada jir ah yeesha muddo aan ka badnayn saddex {3} bilood marka laga bilaabo taariikhda magacawga. Waxa Ku-xigeenka Guddoomiyaha noqon doonaa garsooraha dhinaca darajada ugu sarreeya garsoorayaasha ka tirsan Maxamadda Sare (Seniority). 2. Ma bannaana in loo magacaabo xilka Guddoomiyaha Maxamadda Sare qof aan buuxin shuruudaha hoos ku sheegan: b. Waa inuu yahay muwaadin ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. t. Waa inuu haystaa shahaado jaamicadeed oo barasho sharciga ah oo la aqoonsanyahay. j. Waa inuu leeyahay waayo-aragnimo xirfadeed oo aan ka yarayn isugeyn toban sano; kuna soo shaqeeyey garsoore ama/iyo xeer-ilaaliye ama/iyo qareen ama/iyo macallin jaamicad ka bara sharciga. x. Waa inuu siyaasadda ka madax bannaan yahay. 3. Madaxweynuhu xilka wuu ka qaadi karaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare, isaga oo u baahan oggolaanshaha Golaha Wakiilada & Golaha Guurtida. QODOBKA 106AAD XIDHIIDHKA HAY'ADAHA GARSOORKA IYO WASAARADDA CADAALADDA 1. Wasaaradda Cadaaladdu waxay u xil-saaran tahay fulinta go'aanada maamul ee ka soo baxa Guddida Cadaaladda. 2. Wada-shaqaynta Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adaha Garsoorka waxa qeexaya xeer. QAYBTA 5AAD QODOBO KALA DUWAN XUBINTA 1AAD QODOBKA 107AAD GUDDIDA CADAALADDA 1. Gudidda Cadaaladdu waa hay'adda hoggaamisa maamulka Garsoorka, waxayna ka kooban tahay: • Guddoomiyaha Maxamadda Sare Guddoomiye • Labada garsoore ee ku xiga dhinaca darajada Guddoomiyaha Maxamadda Sare Xubno • Xeer-ilaaliyaha Guud Xubin. • Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Xubin • Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Xubin • Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan aqoon yahanada & ganacsatada; iyo • Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadi sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar; kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta. 2. Waxa fadhiga Guddidu ku ansixi karaa marka ay joogaan toddoba (7) xubnood. 3. Marka Guddoomiyaha Maxamadda Sare gudan kari waayo guddoominta Guddida, sababo caafimaad, fasax ama shaqo ka tegid darteed waxa si ku-meel-gaadh ah guddoomiyaha Guddida noqon doona garsooraha ka tirsan Maxakamadda Sare ee Guddida xubinta ka ah, dhinaca darajadana ku xiga Guddoomiyaha. Waxa xoghayn u ah Guddida Cadaaladda Kaaliyaha Sare ee Maxamadda Sare.

Garsoorada Sare ee Somaliland (MSS) waa garsoorada ugu sarreysa sida ku cad Dastuurka Somaliland . Garsoorada waxay haysataa awoodda dib-u-eegista garsoorka, awoodda ay ku burin karto qaynuunka ku xadgudubka qodobka Dastuurka. waxay leedahay racfaan kama dambays ah oo balaaran, asal ah, iyo xukuno la-talin oo ku saabsan dhamaan maxkamadaha (oo ay kujiraan maxkamada degmadda iyo maxkamada gobolka ), oo ku lug leh arimaha sharciyada waxayna ku dhaqmi kartaa xukunada laga soo saaray kiisaska iyadoo la tixraacayo xukunkeeda. Maxakamadan ayaa waxa madax ka ah gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland oo uu magcaabay madaxweynaha somaliland, madaxweynaha maxkamada hada waa Adan Xaaji Cali

Magacyada Guddoomiyeyaashii soo maray Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland

1. Muuse Xaaji Diiriye (Idaar) - 1993 ilaa 1996 2. Xaashi Sheekh Muuse Cabdi. 1997 1998 3.Cismaan Xuseen Khayre - 1998 ilaa 1999 ~ 4. Maxamed Xaaji Siciid. - 2000 ilaa 2001. ~ 5. Cismaan Xuseen Khayre. February 2001 ilaa December 2001. 6. Siciid X. Axmed Faarax. - 2002 ilaa 2004. 7. Faysal Xaaji Jama. - 2005 ilaa 2007. 8. Maxamed Xirsi Ismaaciil Oomane - 2007 ilaa 2010. 9. Yuusuf Ismaaciil Cali. - 2011 ilaa 2015. 10. Aadan X. Cali Axmed. - 2015 ilaa hadda.

  1. ↑ "Somaliland oo ansixisay Gudoomiyaha Maxkamadda sare". Retrieved 3 June 2015.