Kaif Jama

Ka Wikipedia
Kaif Jama
Ku dhashay1997
Shaqada
  • Atariisho
  • filim qoraa
  • filim sameeye
Loo yaqaanoDate From Hell, Hoos

Kaif Jama waa atariisho Soomaaliyeed, filim qoraa iyo filim sameeye Caan ah.[1] Waxa ay caan ku tahay la shaqaynteeda agaasime Ibraahim CM ee inta badan filimada gaagaaban, Jama waxa ay caan ku noqotay doorkeedii Date From Hell iyo Hoos (labadaba 2021), waxa ay sidoo kale caan ku ahayd filimka gaaban Alia (2020).

Taariikh nololeedka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kaif Jama, sida laga soo xigtay ilo badan, waxay dhalatay 1997, lamana oga halka ay ku dhalatay.[2][3]

2020-kii, Jama waxa uu bilaabay la shaqaynta agaasime Ibraahim CM. Waxay ka soo muuqatay filimka gaaban Alia, kaas oo uu agaasimay. Filimkan ayaa waxa uu ka hadlayaa gabadh Soomaaliyeed oo ku nool meel ka baxsan dalkeeda, ninkeeda waxa uu ku shaqeeyaa shaqo aan sumcad lahayn oo aan helin wax mushahar ah oo ay ku qancaan, waxaanay labadooduba soo food saartay xaalad dhaqaale oo adag.[4]

Bishii Sebtembar 2021, Jama waxa ay jishay laba filim, Date From Hell iyo Hoos, oo uu agaasimay Ibraahim CM, waxa ay sidoo kale ka qayb qaadatay qorista qoraalka.[5] Filimkan ayaa markii ugu horeysay lagu soo bandhigay Masraxa Qaranka, waxaana goobta soo xaadiray Jaamac oo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.[6][7] Waxa ay kala hadashay wargeysyo dhowr ah oo ku saabsan labada filim, iyadoo sheegtay inay doonayso inay noqoto "Filim-sameeyaha ugu da'da yar ee Soomaalida." Sidoo kale waxa ay ka hadashay sida Filimada Soomaaliyeed ay muhiim ugu yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed maadaama ay ka tarjumayaan dhaqanka dalka taasina ay dhalineyso in ay wax badan ka ogaadaan aqoonsiga qarankooda.[8][9][10]

Tix[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "Somalis go to the movies for the first time in 30 years ".
  2. Kaif Jama, a 24-year-old Somali actress, speaks during an interview with Reuters at the first ever film festival held at the newly rebuilt National Theater in the capital of Mogadishu, Somalia Archived Nofeembar 19, 2021 // Wayback Machine. "[Kaif Jama oo atariisho Soomaaliyeed 24-jir ah ayaa ka hadashay mar ay wareysi siisay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo ka hadlaysay bandhig faneedkii ugu horreeyay ee abid lagu qabto Masraxa Qaranka oo dib u dhis lagu sameeyay oo ku yaalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. ]".
  3. Cinema returns to Somalia after decades of shut-downs and strife.
  4. "Alia". IMDb.
  5. 'Historic night' as Somalia screens first film in 30 years.
  6. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2021-11-19. Soo qaatay 2021-11-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  7. https://www.aa.com.tr/en/africa/somalis-return-to-cinema-after-30-years/2378472
  8. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2021-11-19. Soo qaatay 2021-11-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  9. https://saudigazette.com.sa/article/611269/World/Africa/Somalis-enjoy-first-public-film-screening-in-30-years
  10. https://www.reuters.com/world/africa/cinema-returns-somalia-after-decades-shut-downs-strife-2021-09-23/