Kite fiqi

Ka Wikipedia

) | colspan="2" | |- | colspan="2" |kateFiqi Yuusuf wuxuu ahaa geesi noolaa abbaara 1810-1870. Wuxuu ka dhashay qoys wadaaddo ah, aabihii Fiqi Isixaaqna wuxuu ahaa nin caallim ah oo geyiga uu degannaa ka Shaqeyn Jiray

Qaybta I aad

wuxuu ahaa geesi noolaa abbaara 1810-1870. Wuxuu ka dhashay qoys wadaaddo ah, aabihii Fiqi Yuusuf  wuxuu ahaa nin caallim ah oo geyiga uu degannaa ka sheeggan. Waxa uu ahaa Abbaanduule isagoo aasaasay Ciidan fallaago ah oo ugu magac daray SOOCANE.

Colkaas soocane la odhan jirey oo ka koobnaa Muuse Abokor Reer yoonis iyo Cumar Jibriil (HJ) waxay xilligii ay jireen ka sheegnaayeen deegaanada Cayn, Nugaal, Saraar, guban iyo Soolasa Ceerigaabo ka hooseeya. Nin Sacad Yoonis lagu sheego oo ka sheeganaya dhibaatada colkaas Soocane ku hayeen beelaha ka ag dhawaa wuxu yidhi.

Soomali oo idilba waw sacatareeyeene

Soocane Ilaahaw ku bixi sebenka duulaaya

Samaydiin ma dhiidhido maalintay seenyo ololayso

Sacad Yoonis iyo Bah Idarays saymo ugu oodma

Sawliila waataad wax badan uunka sababteene.

Colkaas Soocane waxaa intiisii u danbeysey ay Daraawiish isaga hor yimaaddeen meesha la yidhaahdo ILKACAD oo illaa 70 nin ay ku qudhbaxeen. Inkastoo ay galaafteen tiro taa ku lba-jibbaaranta, dadka ay laayeen ama la dagaalamayeen waxay ka kala socdeen beelo kala duwan halka ay iyagu isu raas ka ahaayeen. Waatii nin canaanayey beesha Kite fiqi ka dhashay uu lahaa

Kite Fiqiba dabadii nabsigu idinma kaalmayne.

Taas oo uu uga jeedey Kite Fiqi ka bacdi maydnaan yeelan halyey faraha looga gubto.

Waxaa beri colloobey beelaha Kite ka dhashay iyo Habar Jeclo galbeed siiba Axmed faarax iyo Solamadow. Nimankaasi waxay soo dumeen ciidan xoog leh oo sida rajaynayeen maal iyo dadba cagta mariya beelaha kite oo xurguf yari dhextiil. Ciidankii markuu beelihii dul yimi oo laga war helay ayaa Kite Fiqi oo da' yaraa ka hortegey ciidankaa. Isagoo u caqli celinaya una tilmaamaya dhibaatada colaaddu leedahay ayaa faraskiisii inta ciidankii hadba dhinac u qaadsiiyey isagoo ku geeraaraya

Labadeennan Kurood

Oo kaalalkoodi sita

Oo laysku soo kiciyaa

Waa masaa'ib kulmaysee

War toloow kala jooja

Haddii aad kari weydo

Ama aad kasi weydo

Kufaarkii inankiisoow

Kariimkaan baryayaaye

Kabaalkiinnu jab maanta

...

Dagaalkiibaa dhacay waxaana looga go roonaaday nimankii soo duulay ee gardarada ku socdey abhiskii Kitena iska dhegamaray. Markii la kala dheelmay ee qolo waliba dhibkeedii dhabarka u ridatey ayaa kite oo iyo raggii kale, oo u qalab qaatay inay aasaan raggii meesha ku le'day, wuxuu arkay gorgor dul heehaabaya goobtii damacsanna inuu hilbaha halyeyada dhintay uu hiigo. Wuxuu kite geeraar ku yidhi isagoo la hadlaya Gorgorkii:

War waa jeedha jibriiloo

Jinaw iiga macaanoo

janno iiga udgoonoo

anba waan jaqayaaye

Gorgorkoow ha ku joogsan

Intaasi markay dhacday ayaa Kite mariyey gabaygan oo uu ku sifaynayo baasihii dhacay

kiciyeene

mihindisaayeene

dirireede

jebiyaaye

mihindisayseene

sheegtaaye

siiyeene

qabaye

waaye

baxayaaye

maracaddoodiiye

toosnayde

ah

.

reer Daahir waakii la xididay Reer yoonis iyo Kite ee Guursaday Arda Abokor Fiqi oo Kite adeer u ahaa. Ardo waxay dhashay nimankii gabyi jirey ee ilma Fadal aabayaashod qaar ka mid ah sidaan sheekada ku maqlay.

Kite(part 2)

Ibrahim Fiqi yuusuf "Kite Fiqi", (HJ), (1810-1870)

Part II

Kite Fiqi oo ay colaadi dhexmartay nimanka ay walaalaha yihiin ee Nuux ayaa waxaa dhacday colaad ka dhex aloosantay reer Daahir (HJ) iyo niman Ciise Muuse ah. Sida taariikhdu sheegto waxaa jirtey in nimanka reer Daahir siiba Cumar Daahir ay Dhawr jeer geelal ka dhaceen oo u awood sheegteen niman ciise muuse ah oo aan Aadan Ciise u malaynayo. Waagii danbe ayaa sidii caadadu u ahayd Reer Daahir duullaan ku soo kiciyey nimankii ay ishaaqsadeen ee Ciise Muuse. Markii colkii laga war helay ayaa Geeddiga hoosta laga raray oo dumarii la faray inay reeraha raraan ayadoo lagu eeranayo oo gabbaad laga dhiganayo Buurta. Iyadoo awrtii dumarkii rarayaan, raggiina ka sii horreeyo oo xoolihii qaxinayaan ayaa gabadh dumarkii u dhaxay Ciise Muuse awrkiina raraysaa ku geeraartay ayadoo awrka la hadlaysa:

raggayaga raggii qabay

baa laga roori riiraash

iyo mid kaloo aan ka hayo

Ma isqaawintaydaa

loo qoodhaweynaa.

Nin waxgarad ahaa oo laga danbayn jirey baa ku xila furay inaan awr danbe la rarin oo ragga la iska dhiciyo. Ciise Muus eintay nimankii Cumar Daahir u jilib dhigeen bay wadheen Carris la yidhaahdo Rista Looya. Firdhadkii Cumar Daahir baa gacmo madhan iyo guuldarro la soo gurya noqday. Yaan hiil ka doonnaa?yaa cudud ina dhaama oo inoo hiilin? ayaa talo istaagtay. Kite Fiqi ayaa nin nimankii la jebshey ka mid ahi u yimi isagoo geeraarkan tirinaya.

Raggii door ka dhammaa

Geeli duubi kaxayste

Dadka yaanu xignaa

Daahir yuu la dhashay

Ayaa duudda Jibriila

Kitena mayga danraacday

Kite oo ay taabatay arrintaas ayaa col dumay oo ku saaray Ciise Muuse. Waxaa Duulay ciidan lixaad leh oo socday illaa Makaahiilka Sacad Muuse ee Hadda Bulaxaar iyo agagaarkeeda dega waagaase ka sokeeyey oo agagaarka Berbera degganaa. Nimankii uu u ciil qabay waa la waayey oo buurta ayay miciin moodeen. Wuxuu galay qoloyin ay ka mid yihiin Makaahiilka aan kor ku soo sheegnay. Iyagoo aan ogeyn sababta loo galay iyo waxay galabsadeen ayaa nin ka mid ahi yidhi waar maxaa ina dhexmarayoo aad sidaan u yeesheeen. Kite Fiqi oo xasuusinaya godobta jiifta habar Awal ayaa geeraar ku yidhi (Ma dhamma):

Nimankii Cadcaddaa

Ee Cumar Daahir ahaa

Carriskii Rista-Looya

Cidladii aad ku wadheen

Iyo cooddidaad jarateen

Cidna waysu xignaa

Cafinna maayo wallee

Ciddii Muuse Jibriil iyo

Aadan Ciise la waaye

Ma makaahiil ciddi dheeraan

Ku calaalugey maanta.

Makaahiil ciddi-dheerow

Colna kuuma an keenin

Cuudna kaama kaxaysan

Cidna kaama an layne

Sengeyaal calasoobeyoo

Dhidid-caalle ku raagaan

Cartankii ka ba'shee

ma cidbaan wax u eystey.

Kite Fiqi(Part3)

Ibraahim Fiqi Yuusuf "Kite Fiqi", (HJ), (1810-1870)

Part 3

DILKII GEELLE GAROOMEED.

Taxanihii KITE fiqi bal aan sii wadno. Kite waakuwii colloobey walaalahooda NUUX, waatii Reer Daahir(HJ) iyo Ciise Muuse isku galeen meesha la yidhaahdo Rista-Looya. Waatii Kite u hiiliyey Reer Daahir ee uga hiishey Ciise Muuse. Qaybtan saddexaadna waxay ku saabsan tahay Kite oo u Hiilinaya Ciise Muuse oo uga hiilinaya Reer-Darawiish.

Nin Abbaanduule ahaa oo la Odhan jirey Geelle Garoomeed oo Ciise Muuse ahaa iyo rag uu wato oo geel doona ayaa intay Habar Jeclo soo dhex mareen Reer-Darawiish galay. Dhowr jeer oo hore ayuu Geelle ku liibaanay duullaamo kuwaas la mid ah oo uu Reer-Darawiish xoolo uga dhacay.

Libtu maalinba nin bay raacdaaye duullaankii ugu danbeeyey Geelle iyo ciidankiisii waa lagu jebiyey isagiinna waa lagu diley.

Kite Fiqi oo markaas Xeeb iyo Guban jirey ayaa warkii soo gaadhay. Kite waxaa nimankii warka sidey u sheegeen Afarey uu tirshey nin la odhan jirey Samatar Rogane oo ka mid ah nimankii Reer-Darawiish ee laayey Geelle iyo ciidankiisa kaasoo ay ka mid ahaayeen;

Wallee reer Isaaq kama bogsado burunjidii Geelle

Wallee baaba'aan maanta baday beerku ledimaayo

Boqol sano wallee sooma dego banankan Tuur-Uuska

Kite gabaygaa intuu ka xanaaqay ayuu col humay.Wuxuu yidhi Kite

Inkastuu is gumeysto

Ama uu is garaaco

Isaaq guudka sareeto

Aniga iiga gudboone

Haddaanan Geelle u aarin

Oo warmahayga guduudin

Duul gumaan ka dhashay.

Reer-Darawiish colaadi ma dhex ool Kite jilibkiisa isla markaana way dhaleen. Reer-Darawiish ma filayn in kite oo ay dhaleen Ciise Muuse uga hiilin doono. Kite oo dareensan arintaas ayaa habeenkii la dul fadhiyey oosha la gebagabaynayey ayaa colkiisii faray inay yidhaahdaan WAR YAA GEELLE GAROOMMEED LAHAAYEEY, si loo garto halka ay ka duulayaan iyo ujeedada weerarkooda.

Waxa kale oo Kite faray colkiisii SOocane in ninkii ay magliga marshaanba yidhaahdaan AAR GEELLE.

Kite waa libeystey xoolo aad u badanna waa soo qaaday, 62 nin oo DhayLiqe oo abbaanduule caana ahaa ku jirana haadka ayay u wadheen.

Xoolihii uu qaaday wuxu lix habeen ku hayey CEELDHAAB, laba iyo toban habeenna Caynaba ayay dul joogtey. Markii xoolihii Reer-Darawiish ka daba iman waayey ayuu yidhi.

Ceeldhaab lalabihii haddaan lix ugu hoynaayey

Caynaba haddaan labiyo toban uga ladaabsiiyey

Dadku kala lafweynsane hadaan laayey Hagar Aadan

Oon Xaga-Garaad kula legdamay libin miyay seegtay

Lixkun iyo lag mooyee haddaan guluf ku leexeeyo

Senge laqana mooyee haddaan lugo ku soo duulo

Lufankiinna soo hadhay haddaan Laasane u daayo

Lafta Muuse kama dhalan haddaan garanta kaa laabo

Kite Fiqi (Alla ha u naxariistee) oo xoolihii uu gacanta ku dhigay faraskiisii dhexmarinaya ayaa haddana geeraaray oo yidhi;

Geelan baatirta weyn

Badankiisa la yaabay

Nirgii boodhka hurdaan

Nugaal hoose ku beermay

Candhadiisa Bullaasiyo

Burca taagan la moodo

Inteeroo boqollaalahoo

Balanbeelyo darmaana

Oo sida Biinta u duushoon

Bahday maanta u haysto

Boodow kaa celin maayo

Kite Fiqi(Part4)

Ibraahim Fiqi Yuusuf "Kite Fiqi", (HJ), (1810-1870)

PART 4.

Dhibaaddii Buney Cabdalle.

Kite fiqi oo ahaa nin xarago badan,dagaal yahan ah,gabyaa ah, abbaanduule ah ayaa waxay ceel ku kulmeen Cabdalle Cumar Cali naaleye Axmed oo ay hadda ku abtirsadaan jilib dhan oo Reer-Darawiish ahi. Cabdalle oo isna kibir badnaa ayaa kite ku yidhi "Kite Fiqiga la sheegaa ma adigaa", Haa buu yidhi Kite. "Goormaan ku soo beegaa buu yidhi Cabdalle isagoo u jeeda goormaad wax iska celin kartaa. "Marka reerahayagu degaan labada Dooxo ee Jarato Iyo Gomosh buu u celiyey Kite.

Markii gugii da'ay oo reerihii nimcaysteen ayaa Cabdalle col geliyey Cismaan yoonis iyo Cumar oo degey labadii dooxo iyo daafaheeda. Ciidankii soo duulay inta la jebshey ayaa Caballena la qabtay oo gacanta lagu dhigay. Kite ma dilin Cabdalle ee intuu Arad tiray ayuu laba nin ku daray oo yidhi marka oosha Naaleye Axmed isdiin muuqato ka soo laabta. Markii Cabdalle oo axankiisii la cunayo loona baroranayaa soo galay ayaa la fajacay. Caballe nin gob ah buu ahaaye laba nin buu soo diray oo yidhi Kitoow gabadh baan idin siinnaye u soo qabsada cid. gabadhaasi waxay ahayd Buney Cabdalle oo hablihii Carrigaas degganaa ka sheegnayd.

Kite Fiqi markay xidideen Cabdalle Cumar Cali ayaa Buney Cabdalle oo ay walaalo ahaayeen ninka la odhan jirey Afxakame u dhibaad doonatay tolkeed. Cabdalle waxa kaloo gabadh ka qabay niman Biciide (HJ) ah. Gabadhii Biciiduhu qabay waxaa lagu dhibaadiyey 60 adhi ah, tii Kite walaalkii u dhaxdayna waxaa lagu dhibaadiyey.

1. Xoolo aad u badan

2. 3 nin(midgaan,tumaal,yibir).

Nimankii Biciide ayaa ka xanaaqay arrintaas oo qaadan waayey. nin gabyi jirey oo qoladaas ahaa ayaa gabyey oo ay gabaygiisa ka mid ahaayeen

Barrahan raysin raysin u fadhiya bad iyo raarteeda

Iyo nimankan Raariyo dega iyo buurta regedkeeda

Iyamay rakaab adag bideen aniyo reer Yoonis.

Kite Fiqi oo ninkaas u jawaabay waxaa uu marshay tix gabay ah oo aan ka hayo

Barrahan raysin raysin u fadhiya bad iyo raarteeda

Iyo nimankan Raariyo dega iyo buurta regedkeeda

Midna raqiisi maayoo anaan ribo ku sheegayne

Abtirsiimo labadeenna reer waa isku raacdaaye

Maxaad raran dhexdena uga shidi sow nin raga maahid

Haddiise ay rabshadi oogantoo belo la roocaadsho

Goormaa rakaab jilicsanaan rag igu quulquulay

Ridadii Wareeg sownigii kaaga ridey maaha

Rasuulkii ma sheegine intii dabadi raad qaadday

Goormaa cilmiga ruugistiis nalaga roonaaday

Anse moogi dabaday rag dhalan dunida oo raagta