Koonfur Ossetia

Ka Wikipedia
Khariirada Koonfur Ossetia
Calanka Koonfur Ossetia

Koonfur Ossetia Af-ossetiga (Хуссар Ирыстон) waa mandaqad laysku haysto waana dawlad la ictiraafsanyahay laakiin aan loodhamayn.waxa ay kutaalaa Koonfurta dhulwaynaha Qafqaas.wax ay xiligii Midowga Sofiyet kamidahayd wadanka Joorjiya. Koonfur Ossetia waxa ay joorjiya kagoday sanadii 1990 waxaanay labaxday magaca "Koonfur Ossetia" in badan ayay xukuumada Joorjiya is hortaagtay gooni u goosiga ossetia laakiin waxba ugama suurtoobin.xataa joorjiya waxa ay iskudayday in ay dagaal dib ugu qabsato laakiin taasiwaxa ay noqotay hal bacaad lagulisay.dagaalka ay joorjiya kudoonaysay in ay gobolkan dib ugusoo celiso dhulka joorjiya waxa uu mandaqadaa ka abuuray dagaalo iyo mashaakil ay ugu danbaysay markii ay fooda isdareen wadamada Joorjiya iyo ruush.hadadan lajoogo koonfur ossetia. waa wadan xor ah inkasta oo aanuu haysan madaxbanaani dhamaystiran waayo waxa ictiraafay kaliya wadamada Ruush Nikaragua Fanansuwela iyo Nawru laakiin wadanka Joorjiya uma arko in uu jiro wadan lagu magacaabo Koonfur Ossetia siyaasad ahaan.laakiin wali wax ictiraafa oo jamciyada quruumaha kadhaxaysa kayimi mahaysato.