Kooxda kubbada cagta qaranka India

Ka Wikipedia

Kooxda kubbada cagta qaranka India waxay matashaa kubbada cagta caalamiga ah ee Hindiya waxaana maamula dhamaan xidhiidhka kubbada cagta Hindiya (AIFF).

Kooxda, oo loo arko inay tahay kooxda ugu fiican Koonfurta Aasiya, waxay ku guuleysteen laba billadood oo dahab ah ciyaarihii Aasiya 1951 iyo 1962 iyagoo ku dhameystay kaalinta afaraad ee Olombikada xagaaga 1956 . Hindiya waligeed kama qayb galin Koobka Adduunka ee FIFA, inkastoo ay si kama' ah ugu soo baxeen Koobkii Adduunka 1950 ka dib markii dhammaan xulalka kale ee Group-kooda ay isaga baxeen. Si kastaba ha ahaatee, India ayaa isaga baxday ka hor bilowga tartanka. Kooxda ayaa sidoo kale afar jeer kasoo muuqatey koobka AFC Asian Cup, oo ah horyaalnimada kubada cagta ee Aasiya waxayna ku dhameysteen kaalinta labaad 1964 . Hindiya sidoo kale waxay ka qaybgashaa tartanka SAFF Championship, tartanka kubbadda cagta ee ugu sarreeya gobollada Koonfurta Aasiya . Waxay ku guuleysteen rikoorka tartanka sagaal jeer tan iyo markii la aasaasay 1993-kii.

Qarnigii 21aad, marka laga soo tago guulihii SAFF Championship, India waxay ku guulaysatay koobka Nehru koobabkii 2007 iyo 2009 . India waxay sidoo kale ku guuleysatay 2008 AFC Challenge Cup, oo ay kooxdu u soo baxday Koobka Aasiya ka dib 27 sano.