Jump to content

Kubadda Cagta

Ka Wikipedia
Kubbada Cagta
Football ama Soccer
Astaanta kubada cagta
Ururka maamulaFIFA
Markii ugu horeeysay19 December 1863, Limes Field, London, Boqortooyada Britayn[1]
Astaamaha
Xubnaha11 qof kooxdiiba
Warbixin
WadankaDunida oo dhan
Olympik ka tirsanhaa
Tartan kaleHaa
Kubadda Cagta
Kubadda cagta, ujeedada aasaasiga ah ee taageerayaashu waa in la dhiiri geliyo kooxdooda inta ciyaarta socoto

Kubadda Cagta (Af Ingiriis : Football ama Soccer; Af Carabi: كرة القدم) , oo sidoo kale loo yaqaan "football" ama "soccer", waa bardooddan kooxeed ay ku tartamaan laba kooxood oo mid waliba ka kooban yahay 11 ciyaartoy, kuwaas oo inta badan cagahooda ku garaaca kubbadda garoon leydi ah oo loo yaqaan garoonka. Ujeeddada ciyaarta waa in lagu dhaliyo goolal ka badan kooxda kale, iyadoo kubbadda laga dhaqaajinayo xariiqda goolka oo ah meel afar gees leh oo ay kooxda kale difaacdo. Ciyaarta ayaa dhaqanka ahaan lagu ciyaaraa labo waqti oo kala duwan, mid walbana 45 daqiiqo, taasoo guud ahaan noqoneysa 90 daqiiqo. Waxaa lagu qiyaasaa in in ka badan 250 milyan oo ciyaartoy ah ay ka ciyaaraan ciyaartan in ka badan 200 waddan iyo dhulal kala duwan, taasoo ka dhigaysa ciyaarta ugu caansan adduunka.

Kubadda cagta, sidoo kale loo yaqaano balooni waa isbortiga ugu caansan caalamka, waxeena ka midtahay ciyaaraha tan ugu duqsan caalamka.Kubada Cagta waxaa laga yaqaanaa caalamka oo dhan, waxaana la ciyaari jiray qarni aad u dheer.Kubada Cagta waxaa loo ciyaaraa koox koox oo ka kooban 11 ciyaaryahan, waxeena isticmaalayaan banooni ama kubad oo koox kasto iska difaaceeyso in gool laga dhaliyo. Kox walbo waxee leedahay goolhaaye oo ah kan banooniga qabanaayo. kubada cagta ama banooniga waxa la asaasay 1409 erayga soccer waxay America ubixisay sanadkii 1486 qayaas ahan waxa dawada ama ciyaara 3,5 milyardia wuxuu aad ugu caansanyahay cubada cagta yurub, america,africa iyo qayba kamida Asia warse

  • FIFA ayaa maamusho kubada cagta weel walbo oo adhuun ka kamid ah.
  • Waxaa jira qaanuun ey leedhahay FIFA, karka jaalaha iyo kaarka casiinka. Kaarka casiinka ciyaaryahanka marki lasiiyo banaanka ayaa loosoo saaraa, midkaa jaalaha waa digniin.

Xiriirka kubada cagta

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sidoo kale fiiri

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  • Kubadda Koleyga
  • Kubadda Gacanta