Maxamed Faarax Caydiid

Ka Wikipedia
Maxamed Faarax Caydiid
محمد فرح عيديد
File:Maxamed Faarax Caydiid
Xafiiska 1991-1996
[[ Ambassador to Template:CountryPrefixThe]]
Faahfaahin shaqsiyadeed
Dhashay(1934-12-15)15 Diseembar 1934
Dhintay29. Luuliyo 1996(1996-07-29) (da'da 61jir)
Muqdisho, Soomaaliya
XisbigaUnited Somali Congress/Somali National Alliance (USC/SNA)
XaaskaKhadija Gurhan
Ciyaalka14
Alma materM. V. Frunze Akadeemiyada Milatariga

Maxamed Faarax Caydiid (carab:محمد فرح عيديد) (b.15 Diseembar 1934 – 29 July 1996) Wuxuu dhashay taariikhdu markay aheyd 1934, wuxuuna ku dhashay Magaalada galkaio- ee Gobolka [mudug]]. Wuxuuna ifka uga tagay 14 caruur ah.

Waxbarashadiisii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

1946–1949:Dugsiga Hoose,dhexe: Mogadishu Somalia

1952–1953:Dugsiga Tababarka ee Dhanaane

Accountancy and Office Management.

1953–1954:Dugsiga Xamar Jajab.

Dhanka Ciidamada iyo Xilalkii uu soo qabtay[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wuxuuna ka qaatay Diploma. Wuxuuna ku bartay Cilmiga kala duwan ee Militariga (Military sciences), wuxuuna noqday Sarkaal Militari, Maadaama marka uu dalka ku soo noqday la Baabi’iyay militarigii talyaaniga ee ka jiray dalka, wuxuu ku biiray ciidanka Booliiska, darajadiisuna waxay aheyd labo xiddigle.

1956–1956: Wuxuu qaatay tababar- howlaha ciidanka, Mogadishu, Somalia.

1956–1960: Military academy- Cesano, Roma, Italy. Wuxuu ku soo qaatay tababarka Hogaaminta Ciidamada, wuxuuna ka qaatay Diploma.

1963–1966: Akademiyada sare ee Istaraatiijiyada dagaalka iyo hoggaaminta (Frunze Academy- USSR), wuxuuna ka qaatay Diploma. WAAYO ARAGNIMADII SHAQO (EXPERIENCE

1957–1958: Taliyaha Saldhig Boolis ee Degmada Bakool, Gobolka Xudur.

1958:(Janaayo–Disembar) Taliyaha Qeybta ciidanka ee ee Gobolka Banaadir.

1959:Taliyaha Qeybta ciidanka ee Gobolka Jubbada Hoose.

1960:(1-da Luuyo) wuxuu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidankii saaray calanka Soomaaliyeed, dejiyayna calankii Talyaaniga saqdii dhexe.

1960–1962: Wuxuu noqday Taliyaha Tababarka Dhexe ee Ciidamada Xooga- Forte Bottego (Hadda Dugsiga Tababarka Xalane).

1962–1963:Wuxuu noqday Taliyaha Hawl gelinta, Tababarada iyo Sahanka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

1963–1966: Wuxuu noqday Wakiilka Ciidamada Soomaaliyeed u fadhiya dalka Ruushka (USSR).

1966–1968: Wuxuu noqday Taliyaha Hogaanka abaabulka iyo hawl gelinta.

1968 – 1969: Wuxuu noqday Abaan duulka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Qeyta Waqooyi.

1969–1975: Wuxuu ahaa Maxbuus siyaasadeed wuxuuna ku xirnaa Xabiska Mandeera.

1975 – 1977: Wuxuu noqday Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Aspiima.

1977:Wuxuu noqday Xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna noqday Taliyaha Tababarada Militariga ee Xarunta Hiilwayne, ilaa

1978.1978:(Febraayo Ilaa Maarso) Wuxuu noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobollada waqooyi.

1978–1982: Wuxuu ahaa la taliyaha Madaxweynaha Arrimaha ciidamada iyo Ammaanka.

1982–1984:Wuxuu ahaa Taliyaha Guud ee Hawl-gelinta ciidamada Gobollada Waqooyi iyo Gobollada Dhexe.

1984 – 1989: Wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya.

1990:Wuxuu iska casilay Xilkii Safiirnimada. 1991 wuxuu Hoggaaminayay Ururkii USC ee La dagaalamay dowladii Kaligii Taliskii Maxamed Siyaad Barre isagoo gacan weyn ku lahaa inuu dalka Ka cararo ka dib 21 sano uu Xukunka Hayay

Dhaq dhaqaaqyadiisii siyaasadeed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

1989–1991: waxa uu hogaaminayay kacdoonkii U.S.C waxuuna ka saaray Dalka Soomaaliyeed Madaxweynihii Xiligaa ee Janaraal Maxamed Siyaad Bare

1992:Wuxuu dhisay Isbahaysi la magac baxay Somali Liberation Army, (SLA)oo ay ku bahoobeen Garabyada hubeysan ee ururrada kala ah sida: USC, SPM, SSNM, SDM, SAMO iyo SNU laguna dhisay Baardheere.

1992–1993:Wuxuu dhisay Isbahaysiga Somali National Alliance (SNA) oo ay ku bahoobeen Ururada siyaasadeed oo kala ah: USC, SPM, SDM, SSNM, SAMO iyo SNU, waxaana loo doortay Guddoomiyaha isbahaysiga SNA.

1992–1994:Wuxuu hoggaaminayay iska caabinta shacabka Soomaaliyeed ee ka soo horjeeday Siyaasaddii guracaneyd ee US-UNISOM ee ugu dambeyntii laga guuleystay dalkana laga

Shirkaas nabadeed wax alaale wixii qarash ahaa eek u baxay waxaa bixiyay Isbahaysiga SNA, ee uu guddoomiyaha ka ahaa General Maxamed Faarax Caydiid.

Buugaagtii uu qoray[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • 1988:Wuxuu qoray (The Manifesto New United Somali Democratic Organization) (NUSDO).
  • 1989: Wuxuu qoray: Democracy in Somalia- Its roots and its future.
  • 1989:Wuxuu qoray:Recent up rising of Somali people.
  • 1988:Wuxuu qoray: he preferred future development for Somalia.
  • 1988:Wuxuu qoray:The revival Somali History, Culture and Civilization.
  • 1989:Wuxuu qoray:The latest Deceitful move by the Dictator Siad Barre (Pamphlet).
  • 1989:wuxuu qoray:Somali and Ethiopia iyo War Plane Manual.
  • 1983:Wuxuu qoray:The Harbinger of hope in Somalia (A brief profile)

Iyo maqaallo kale ee badan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo Xiriirka ay la leedahay Dowladaha deriska ah iyo adduunweynaha. waxa kale oo ay wada shaqaynjireen hassan dalmar nour

Luqadaha uu ku hadli jiray[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Soomaali, Talyaani, Ruush iyo English. Sido Kale waxa Uu Ahaa Hogaamiye adag oo sooma jeeste ah ilaahay ha u naxariisto oo godkii janno ha uu ruuriyo isga iyo dhamaan wixii islaam ee dhintayba

dadka uu la soo shaqeeyay waxaa ka mid ah maxamed xasan qaandiid

(Waxaa xusid mudan in uu Caydiid hankiisii siyaasadeed darteed faraha la galay dagaalladii sokeeye, isla markaana uu qayb wayn ka qaatay dagaalladii u dhexeeyey 1990kii illaa 1996kii) Nin dalkan qaribayna uu noqday