Mindi

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan Midida.
Nooc ka mid ah mindida, Af Soomaaliga lagu yidhaahdo "Soodh" (Bowie-class knife)
Nooc kale oo midida ah, inta badan loo yaqaano Midida Subaga.

Midi, Mindi, Madi (ingiriis: knife; carabi: سكين) sidoo kale loo yaqaano "Tooreey" waa bir af khafiif ah leh oo lagu kala gooyo wax walba. Noocyo badan oo kala duwan oo biraha ka mid ah ayaa la odhan karaa madi, laakiin guud ahaan madidu waa bir af dhuuban oo loogu talo-galay in wax lagu kala jeexo, dalooliyo ama kala gooyo. Meelaa qaar mashiinada wax lagu kala jaro ee waaweyn ayaa loo yaqaan ineey qeyb ka yihiin Midiyaha.

Guud ahaan waxaa jira noocyo badan oo madida ah midaasi oo loo isticmaalo siyaabo badan oo kala duwan, kuwaas waxaa ka mid ah Soodhka (Bowie-class knife) oo ah mid loogu talo-galay in wax lagu dilo waxaana inta badan isticmaala ciidanka, midiyaha yaryar ee lagu isticmaalo xaafada, qalab waaweyn oo mashiino ah oo lagu kala gooyo biraha, looxa, dhagaxa iyo walxo kale.