Jump to content

Muuse Biixi

Ka Wikipedia
Muuse Biixi
Af Carabi : ar
Muuse Biixi


Ka qabtay xil
27 July 2010 – 13 December 2017
Madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil Saylici
Xilka kaga horeeyey Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Macluumaad gaar ah

Ku dhashay 1948 (Da'diisu waa 76–77)
Hargeysa, Somaliland
Xisbi siyaasadeed Kulmiye
Is guursadeen Sahra Cabdilahi Absia
Rooda Axmed Cumar
Waxbarasho jaamacadeed Gagarin Air Force Academy
United States Military Academy
Jaamacadda Hargeysa
Diinta Islam


Muuse Biixi (Af Ingiriis : Musa Bihi) waa madaxweynaha 5aad ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanidda ugu dhawaaqdey ee Somaliland isagoo ah madaxweynaha tan iyo markii uu ku guuleystay doorashoyinka sanadka 2017.

Muuse Biixi wuxuu uu dhashay taarikhdu sanadkii 1948, waxa uu ku dhashay galbeedka Hargeysa tuullo yar oo u taal agaas.

Xiligii barbaaritaankiisi wax-barasho waxa uu u soo-wareegay magaalada Hargeysa oo uu ka bilaabay dugsigii Sheekh-Baraawe oo markaa ku yaalay dooxa-Hargeysa agagaarkiisa markii danbena usoo wareegay jeelka-weyn ee Hargeysa dhankiisa galbeed. Wax-barashadiisi hoose dhexe waxa uu ka bilaabay dugsiga hoose dhexe ee Biyo-dhacay ku-sinaan taarikhdu markii ay ahayd 1959-kii isago wax-barashadiisi kalena ku soo qaatay Camuud.

Taarikhda waxii intaas ka danbeyey 1970-kii waxa uu ka midnoqday ardeydii loo-qaatay in loo-soo tababaro carbiska saraakiisha oo uu ku soo-qaatay Midowga Sofiyet Akadammiyada-barashada cilmiga duulimaadka diyaaradaha gaar ahaan nooca dagaalka (Fighter-bomber aircraft-M28). Soo-noqadkiisi waxa uu ka midnoqday Ciidamadii-cirka ee Soomaaliya kuwoodii ugu cad-cadaa xaga ciidamada Militeriga ee cirka wakhtigii dagaalkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii.

Muuse Biixi markale waxa uu aqoontiisa dhanka ciidanka cirka ku soo-qaatay waddanka Maraykanka kuliyadii Virginia Military Institute -(VMI) Kooras kooban oo-ahaa mudo hal-sano iyo badh.

Muuse Biixi intaasi waxi ka danbeyey waxa-uu-u xuubsiibtay dhankii kacdoonkii xaq u dirirka ee SNM. Xiligii uu qaatay go’aankii SNM waxa-uu ku guda jiray waxbarashadii u-markaa u joogay waddanka maraykaynka oo bil-keliyi uga hadhsantahay in uu dhameeyo soona afjaro.Muuse-Biixi intii uu maraykanka ku sugnaa waxa ay xidhiidh hoose lahaayeen Raximullah Maxamed Xaashi-Lixle oo ay balan hoose lahaayeen.Taarikhda Soomaalida waxa had iyo jeer marka geel la-kala qaado waxa ay ku tawaawacaan si geelaas loo-soo dhiciyo odhaahda,(Yaa-maali-jirayeey) oo ahayd ninkii maalijirayoow geelaagii la- dhacye soo-dhacso.Sida oo kale raggii Smn weedhii ay isu-adeegsan jireen marka ay damcaan ninka ay maalintiisa gaadho-in uu madax-madax isu-soo shubo-tuuro wax ay ku tiraabi jireen,Hebeloow waa maalintaadii ee soo-taloow.Hadaba waxa dhacay dagaalkii uu ku dhintay Raximullah Muj Maxamed Xaashi-lixle.Geeridii Muj Lixle markii ay dhacday sarakaashii SNM ee markaa joogay furinta waxa ay la-soo xidhiidheen Muj Muuse-Biixi oo ku sugan maraykanka kuna jira kooraskii wax-barasho ee uu halkaas u joogay.Ragga qaylo-dhaantaas Muuse Biixi usoo-daray waxa ka mid ahaa,Muj Aadan Shiine,Cabdi Qadir Koosar iyo Aadan Saleebaan Raximullah dhamaantood.Odhaahdii ay u adeegsadeen Muuse Biixi waxa ay hayd tii-ay isku guubaabin jireen Muusow waa maalintaaddii.Muuse-Biixi waxa uu ka soo duulay waddanka maraykan isaga oo u-soo-duulay waddanka Sucuudiga-arabiya Magaalada Jeddah.23-cisho markii uu ku sugnaa jiddah waxa soo-dhacday waraaq dacwad ah oo ay soo-dirtay safaaradii Soomaliya amarna ku siinayso dawlada Sucuudiga in ay qabtaan Muuse-Biixi oo ah sarkaal ka soo-baxsanaaya dawladiisii Soomaliya.Nasiib-wanaag Muuse-Biixi marka waxa uu sitaa-labba fiise(visa).Muuse-Biixi markii uu maqlay arrintaasi lagu raad-joogo qabashadiisa waxa uu markiiba isku dayey qaabkii iyo sifihii uu uga bixi-lahaa Sucuudi Aribiya.Markiiba meel dheer arrintaasi kamuu-deyin oo waxa uu-ahaa nin kasoo diyaar garoobay lana odhan karo waxa uu nin sii fahansan qaabka dawlad looga baxsan karo. Si dhibyaraan ah waxa uu Muusa-Biixi ugga-soo-dhoofay Fiisahii-visa-hii labbaad ee keydka u ahaa.Waxa uu ka soo-degay Waddanka Jabuuti.Arrintii waxa ay noqotay cirka dabka kaa raac ka dib markii uu-ugu yimi Jabuuti lafteeda oo ay ka taalo dacwad ay sii-dhigtay Dawladii Soomaaliya.Dacwadaasi waxa ay la xidhiidhsanayd tii-laga dhigay Sucuudi-arabiya.Muuse markiiba waxa loo-taxaabay jeelka Jabuuti oo ay isku helleeleen rag jaan-daarrankii ciidamada ahaa kuwaasi oo sii-jeed iyo soo-jeedba sawiro uga qaaday dacwadna uga qoray.

Soomaalidu waxa ay tidhaahda laabbi-labba-ulla. Muuse-Biixi markii howshaasi lasoo-gudboonaatay arrinkiisi waxa uu noqday-hankaygoow kaama hadho kol-aan caddaab kugu galana. Markiiba Muuse waxa uu hoosta kala soo baxay warraaqo keyd u-ahaa oo-uu-lahaa abbihii-Xuseen.Biixi-waa-naannaystii Muuse Aabihii. Hadaba Xuseen Cabdi raximullah,waxa uu lahaa waraaqo jabuutiyaan ah kuwaaso-sharcigii jabuuti ah.Muuse laftiisu waxa uu lahaa kaadhka-aqoonsiga jinsiyada ee jabuuti.Intaas Muuse markii uu-isla helay waxa dhaq-dhaqaajiyey odayaashii meesha joogay oo ay kamid ahayeen-Guhaad oo markaa wasiir ka ahaa jabuuti,Ciise Gaboobe,Dhawaaye iyo rag kaleba.Raggaasi waxa ay u tageen,Madaxweynihii jabuuti ee xiligaas Xasan Guuleed.Waxa ay u sheegeen kana dhaadhiciyeen in Ninkan Kiiska loo-heystaa yahay nin reer jabuuti ah waa-Muuse’e.Xasan Guuleed waxa-uu markiiba gartay Xuusen-Cabdi(X-Biixi) oo ahaa Muuse Aabihii.Nasiib-wanaag Xasan Guuleed waxa uu ogalaaday in Muuse Xuseen Cabdi (M-Biixi) xoriyadiisa loo-soo celiyo farahana laga qaaddo si dhakhso ahna loo-siiyo sharcigiisa jabuutiyanka ah.Arritii Muuse-Biixi iyo niyadiisi yara doorsanayd Waxa ay noqotay niyad rajo fiican leh.Meel-aan rabbay roob ma iggu helay”,Waxa uu markiiba niyada gashaday in uu marka uu sharciga jabuuti u-soo baxo uu-raadiyo xal kale oo uu-ku-bixi karo.Muuse Xuseen Cabdi(M-Biixi), Xasan Guuleed iyo raggii kale ee odayaasha ahaa-ee galay arrinkii soo deyntii Muuse waxa ay wadda-galeen axdi ah in aannu muuse mar danbe faraha la gelin arrimaha jabhada SNM iyo badaheeda.Waxa ay ugu caqli celiyeen in uu-sharcigiisa jabuutina iska qaato waddankiisa jabuutina iska joogo. Laakin soomaalidu waxa ay ku maahmaahda (Nin ay meeli u-caday meeli-ka Madow) sida oo kalena Muuse waxa ka go’an mawqifka uu qaatay ee ahaa ku biiri-taanka jabhadii SNM.Muuse dharaaro yar ka dib waxa uu-u-duullay dalka Sucuudi-arabiya oo uu-ku galay billaa-visa/fiise maadama oo jabuuti iyo Sucuudigu billaa-fiise loogu kala baxo.Nin arrinni la-gudboontay waayahiisi waa-uu hawl badan yahay ee markii uu Muuse,Sucuudi-arabiya ka degay waxa la-ogaaday in hadana Muuse rabo inuu sii-taalaabo oo dacwadiisii ayaaba sii-balaadhatay.Muuse Xuseen Cabdi(M-Biixi) waxa uu ahaa nin dhegtu taagantahay oo meel looga dhawaaqayo marmarka qaarna waxaaba la-odhan karaa dareenkiisa askarinimo oo heegan ku jira daraadeed waxa-uu kaga il-horeynaayey ciidamada Sucuudiga.Muuse waxa uu ogaaday oo warkeeda helay in Ciidamadii Sucuudi-arabiya ku raad-joogaan.Muuse oo-aan weli ciidamada Sucuudigu gacanta ku dhigin waxa xaga jabuuti laga calaamadiyey 10-sharci-passports-kii oo uu ku jiro kii-Muuse oo-uu isaggu galaaftay in la-cancel-gareeyo dhamaanba sharciyadaas. Laakin xiliga la-calaamadiyey sharciyada,Muuse waxa uu ku suganyey Waddanka-Ethiopia oo Muuse markiiba waa-uu-ka soo duullay Dalka Sucuudiga maadama uu ka il-horeyey ogaana in lagu dabba-jiro.Muuse, Sucuudi-arabiya waxa uu-ka soo-raacay diyaaraddii (Ethiopian air-line) oo lafteeda bilaa-fiise lagu raaci jiray. Halka aan wax yar ka iftiimino ee xiligaas uu-Muuse gelaayey Waddanka Ethiopia wax niyad wanaag ah kamuu-qabin.Sababto oo ah xiligii dagaalkii-1977-kii Muse iyo Raggii lamidka ahaa waxa ay ahaayeen raggii diyaaradaha ku garaacay buurihii-Kaara-mardha iyo meelihii fadhiisanadii Ciidamada-ethiopia ee dhufayska ku soo-jiray.Muuse waxa uu-ahaa raggii wakhtigaasi aadka u gumaaday ciidamada-Ethiopia si-ba’anna ugu garaacay gantaalaha maadama uu ahaa qaybtii ciidamada cirka ee soomaliya.Arrinku marka uu halkaas-maraayo waa xasaasi oo Muuse iyo Ethiopia arxan badan uma-yaalo.

Hadaba waxa aynu guda gelaynaa taariikhdii iyo wacdarahii uu la-kulmay Muuse markii uu ka degay diyaaradii Itoobiya. Muuse waxa ku qaabilay Bole-airport wafti Saraakiil-Ethiopian-ah oo-uu ku jiro nin sarkaal sare ka ah Ciidamadda-Itoobiya.Muuse markii uu arkay saraakiishaas waxa ay ahayd xiligii ugu naxdinta badnayd noloshiisa sababta oo ah waxa niyadiisa ku jirtay in qoorta loo-dheeraynaayo maadama oo Xiligaas itoobiya xoog-looga nebcaa ama godob loogu hayey.Muuse halkaas waxa ay isku weydaarsadeen raggii meesha ku sugaayey hadalo aanno-sheegasho kasoo yeedhayey ragga saraakiisha Ethiopian-ka ah. Hadaladaasi waxa ka mid ahaa oo ay yidhaahdeen raggaasi-Muusow ma ogtahay in aad tahay raggii maalintii u danbeysay aggaas iyo aggaas garaacay ee sida xun u gumaaday dadkii iyo ciidamadii.Waxa ay indhaha u saareen file-dheer oo ay kiisas-kaasi ku qoranyihiin.Muuse xiligaasi waxa ay naftu kaga gurmeysay naxdin daraadeed sara-joogga waayo waxa uu-aaminsanaa in aakhiro loolla-caraabinaayo ama allam-baqa lagu tuuraayo xabsi-daayim ah.Muuse markii danbe waxa lagu farxad geliyey in xiligan danbiyadaas oo dhan laga dhaafaayo lanna bilaabayo saaxiibtinimo cusub oo heer fiican leh maadama uu hada halgan waddanimo u diyaar yahay halkana u yimi Ethiopia si-uu dagaal ugala hortago dawladii uu markii hore difaacayey. Muuse raggii waxa ay ku qaadeen gaadhi iyaga oo suuqa addis-ababa kusoo wareejiyey ilaa ay ka geeyeen gurigii Saraakiisha-SNM-deganaayeen.Ragga halkaasi joogay waxa ka mid ahaa.Axmed Maxamed Maxamuud-Siilaanyo.Aadan-Shiine.Cabdiqaadir-Koosar.Muj-Gabax,Yuusuf-Kirix iyo Maxamed Cabdi-Macalin oo ay labadooda si-gaara isku Galaas/fasal ahaayeen wakhtigii wax-barashada.Kadib Muuse waxa amar lagu siiyey oo la-yidhi hore-ka gal halganka oo jiida hore ee ciidamada jabhada SNM-gal. Muuse waxa uu markiiba kasoo-laa-laabtay allaabtiisi Itoobiya oo waxa isku-soo-tuuray furintii hore ee dagaalka. Waxa uu kasoo-galay dhanka Hawdka aggaagaarkii Dibiile. Shirwac h.rashiid hussien


  La socoo ninka laga sheekaynayo waa muraayadda Qarankani ku socdo  muj: muuse biixi Cabdi 

W/Q: Siciid Ahmed dahir Mineapolis USA.........