Osman Garuun

Ka Wikipedia

Cismaan Xaaji mohamed Afrax Garuun oo loo yaqaan cismaan Baketti waxa uu ku dhashay magaalada Mareeg 1920 waxa uu ka soo Jeeda Beeshaa reer Wacayle. Waxaa Dhalay Abaanduulahii ama Geesigii Caanka ahaa ee Reer Mareeg Maxamed Afrax Garuun Cismaan xaaji waxa uu ku biiray xisbiga leegada 1944 Cismaan xaaji waxaa ka mid ahaa gudigii talada Somaliyeed ee la aasasay 1950 Advisory Committee Of Somalia Cismaan xaaji waxa uu ka mid ahaa 70 kii Deputaati ee ugu horeeyay ee Somaaliya laga soo Doortay 56 waxay ahaayeen Somali 14 kalena waxay ahaayeen Talyaani ,Carab iyo Hindi.Cismaan waxa uu noqday Dibitaatigii ugu horeeyay ee beesha mareeg ama Wacaysle waxaana loo yaqaana dibitaatigii Wacaysle. Mujtamaca Somaaliyeed Xushmad iyo Karaamo wayn ayuu ku lahaa si wayna loo raadiyo codkiisa ama garabsiintiis ama( His Endorsement) Waxa uu ahaa nin jecel Dadkiisa, Diintiisa iyo Dalkiisa si wayna loo Qadariyo. Waayo waxuu ahaa nin daacad ah oo dammir fiican kana xishooda waxyaabaha musuqmaasuqa ah .Waxa uu soo Hoyey Guulo wax ku ool ah. Waxa uu ka soo galay degmada Ceelbuur 1956 waaya ceeldheer ma Ahayn Degmo ama district Xiligaas waxa uu ku guulaysay in uu degmo ka dhigo magaalada ceeldheer waxa uuna mar labaad ka soo galay degmada ceeldheer 1960-1964.Cismaan Xaaji waxa uu ahaa nin wadani ah oo sumcad fiican ku leh umada soomaaliyeed oo aan la hilmaami karin mabda iisa iyo waxa uu aaminsanyahay oo ku salaysnaa xaq iyo cadaalad sidaa darteed ayaa loogu Bixiyay cismaan Baketti oo macnaheedu ah nin mabda adag oo aan mowqifkiisa laga badeli karin dibotaatigii cismaan xaaji wuxuu ahaa qof jecel midnimada & wadajirka Ummadda soomaaliyeed wuxuu qeeb weyn ka so qaatey halganadii xurnimodoonka ahaa cismaan xaaji wuxuu ahaa qof xili wlbo farxad aad ka dareemeyso cidna iskama weeneen jriin sida lagu yaqaano soomaali qofkii masuul ah dadka ka dhex baxo waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ahaa isagoo codkiisa u fiirin jirin reer ama dano gaar dowladii kacaanka ayaa waxey xirtey dhowr sanadood isagoo lagu eedaynayo in uu ku jiray Afgambigii dhicisoobay ee 1970 oo uu hogaaminayey General Salaag Gabeyre iyo deputy president General Ceeynaanshe iyo colonel Cabdulqaadir Dhel.Cismaan wuxuu maanta qeyb wayn kuleeyahay calanka aan harsaneeno. Halkaan laguma so koobi karo sharafta & kamaarada uu ku dhex lahaa bulshada waxaanse ka soo qaadanaynaa in yar oo ka mid ah ugu danbeeyntii waxuu geeriyodey isagoo u halgamaayo shacabka soomaaliyeed sanadku markuu ahaa Luulyo 28 1975

Religious Views Muslim Gender Male