Portal:Af-Soomaali/Hordhac

Ka Wikipedia

Soomaaligu waa mid ka mid ah afafka ugu muhiimsan Geeska Afrika, waana ka rasmi dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaa kaloo si weyn lagaga hadlaa qaybo ka mida Itoobiya iyo Kenya. Waxuu ka tirsan yahay afafka loo yaqaan [[Kusheetik] oo ah laan ka tirsan bahda luqadaha Afro-Aasiya. Kusheetikna wuxuu ka sii yahay Kusheetik Bari, waxaana ku hadla qiyaastii 21 milyan oo qof oo ku nool waddamada Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.