Portal:Afrika/Shakhsi xul ah/1

Ka Wikipedia
Shilimaanta ay isticmaali jirtey boqortooyadii Xabashida

Boqor Najaashi (magaciisa saxda ahaa Asmaxa) waa mid kamida boqoradii Xabashida (maant loo yaqaano Itoobiya) waxa uu qaabilay asxaabtii dhankiisa u soo hijrootay xiligii rasuulka s.c.w, waxa ay lajoogeen intii u dhaxaysay 610-629, rasuuulkuna waxa uu yidhi xiligaas waa boqor aan agtiisa cidna lagu dulmiyin waxa uu xukunka qabsaday isaga oo jira 9 sano kadib markii uu adeerkii oo boqor ahaa geeriyooday waxyar kadib waxaa markiiba faafay cadaaladiisa iyo sida fiican ee uu u xukumayay dadkii uu u talinayay isaga oo cadaalada aad u jeclaa durbadiiba meelkasta waxaa gaadhay in uu yahay boqor caadila, sanadii shanaad ee dacwada islaamka ayaa rasuulku s.c.w waxa uu faray asxaabta in ay katagaan Makka oo ay aadaan xagaas iyo xabasha. waxaa jooga ayuu yidhi rasuulku boqor aan agtiisa cidna lagu dulmiyin asxaabtii markaas halkaas aaday waxa ay tiradoodu gaadhaysay 80 marka ciyaalka iyo dumarka laga reebo waxa layidhaahdaa waxa ay dhacday hijradaasii intii u dhaxaysay 10 ilaa 629.