Portal:Dhul/Qof xul ah/1

Ka Wikipedia

Axmad bin Ibrahim al-Ghazi (Af Ingiriis : Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi, Af Carabi : ar‎) sidoo kale lagu naanaysi jiray Axmed Guray, Abaanduulihii Weynaa (dhashay 1506, dhintay February 21, 1543) wuxuu ahaa imaam, hogaamiye, abaanduule, sheekh iyo suldaankii boqortooyadii Adal taasi oo ku duushay dowladii awooda badneyd ee ka talin-jirtey Abyssinia isla markaana jebisay hogaankaasi kana qabsatey dhul badan. Imaam Axmed Guray magaciisa oo saxani waa Axmad ibn Ibrahim Al-Ghazi (Af Carabi : ar‎), waxa lagu qiyaasaa in uu dhashay sanadkii 1507 - February 21, 1543. Wuxuu Ka Dhashay Qowmiyada Somaalida Wuxuuna kasoo jedaa beel weynta Isaaq Habar-Awal Sacad Muse wuxuu ka siiyahay Makaahiil sida taariikhdu cadaynayso wuxuuna naanees ahaan u watay Axmad Gareen al-ghazi balse soomaalidu waxey u yaqaanaan axmed gurey. Waxa uu ahaa Imaam Axmed Gurey Ragii ducaada ahaa ee aadka ugasoo horjeeday in jihaadka laga joojiyo gaalada itoobiya ,waxa aay muslimiinta ugaysanayeen awgeed,taasoo keentay in musliimiinta laga qaadijiray markaas lacag baad ah (Jizya). Dagaalo badan kadib waxaa dhacday in Imaam Axmed guray lawareegay Harar, dabadeedna wuxuu bilaabay weeraro jihaad ah oo isdaba jooga. Waxa uu galay dagaalo ba,an mudona socday, mahadhana reebtay, ilaa hadana laxasuusto.