Portal:Dhul/Qof xul ah/2

Ka Wikipedia
Madaxweynihii 44aad ee Maraykanka, Baraak Obama

Barack Xuseen Obama (US Listeni/ˈrɑːk hˈsn ˈbɑːmə/; Af Ingiriis : Barack Husein Obama; Af Carabi : ar‎; wuxuu dhashay Ogosto 4, 1961) waa siyaasi isla markaana aha madaxweynihii 44 ee dalka Mareykanka , iyo qofkii ugu horreeyey ee Afrikan Ameerikan ah ee xilkaas qabta wuxuu ku dhashay Honolulu jasiiradaha Hawaii. Obama wuxuu ka qalin jabiyey jaamacadda Columbia University iyo dugsiga garsoorka jaamacadda harvard Harvard Law School, halkaasuu kasoo noqday madaxa Harvard Law Review. Barack Obama waa nin dhalinyar ah oo aad u xargo badan ahna madaxweyna USA dadiisuna waa 47 jir. Waxa uu ku dhashay gobolka Hawaii bishii Juli 27 teedii, Sanadkii 1961 dii. waxaa iska dhalay Aabe dadka madow ah oo ka yimid wadaka Kenya iyo hooyo dadka cadaanka ah oo ka soo jeeda Gobolka Kansas ee wadanka Maraykanka Isaga iyo Afadiisa Michelle Obama, waxa ay leeyihiin laba gabdhood oo la kala yiraahdo Malia iyo Sasha. Aabbihii waxa uu ka tagay isaga oo laba sano jir ah si uu waxbarashadiisa uga sii wato jaamacada Harvard. Kaddibna waxa uu dib ugu laabtay dhulkii uu ka yimid ee Kenya. Aabbiihiis kadib, Senator Obama hooyadii waxa ay guursatay nin ka yimid waddanka Indonesia. kadibna waxay u guureen wadankaasi oo ay ku noolayeen intii u dhaxaysay sanadihii 1969 kii ilaa 1971dii. Obama, markii uu dib ugu soo laabtay gobolka Hawaii ee ay hooyadii ku noqotay Indanusia, waxa uu halkaasi kula noolaa waalidiintii hooyadii dhashay ee cadaanka ahaa. Buugga uu taariikh nololeedkikiisa ku qoray ee la yiraahdo Dreams of My father. Himilooyinkii Aabahay, waxa uu ku sheegay in uu isticmaalay Daroogo, marki uu yaraa ee uu ku korayay Hawai. Waxa uu wax ku bartay sadex jaamacadood oo ay ku jiraan Jaamacadaha Colombia iyo Harvad. Takhasuskiisi ugu danbeeyayna waxa uu ahaa culuunta sharciyada.