Portal:Siyaasadda/Hordhac

Ka Wikipedia
Kooban:

Siyaasadda waa geeddi socodka iyo habaynta ururinta iyo maamulka dhacdooyinka guud ama caadiga ah si go'aan looga soo saaro. Kuwa ku shaqada leg go'aan soo saaris ayaa waxaa lagu magacaabaa siyaasiyiin.

Laakiin cilmiga siyaasadda waa maaddo la barto lana daraasadeeyo ee dhaqanka siyaasadeed iyo baaris shuruudaha iyo hababka saamayn siyaasiga, iyo awood u lahaanshaha ruuxa in uu dul dhigi karo danaha uu ka leeyahay qofka ama kuwa kale. Maaddadaan kuwa ku xeel dheer waxaa la dhahaa khubarada culuunta siyaasadda. Xeeldheerayaasha culuunta siyaasadda aalaaba waxay baaris ku sameeyaan doorashooyinka, ra'yiga dadweynaha, dhacdooyinka iyo hawlaha bulsho, ee hawlaha ee jaamacadaha ( waxaa intaa dheer in ay leeyihiin muhiimadda saami ee ilaha awoodda iyo saamaynta kala duwan), sidoo kale waxay siiyaan duruus dhanka aydoloojiyadda si waafaqsan siyaasiyiinta iyo xisbiyada, si loo xaddido sidii uu siyaasigu ku gaari lahaa awoodda iyo saamaynta. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee la barto waxaa ka mid ah: Culuunta Siyaasadda , Dimuqraadiyad , Doorashooyin waxaa intaa u dheeg in ay qeyb ka yigiin geeddi socodka iyo go'aanno soo saarista.

dheeraad ku saabsan Siyaasad…