Portal:Sooyaal/Maqaal xul ah/1

Ka Wikipedia

Gen. Daauud Cabdulle Xirsi (1924-1965) wuxuu ahaa Janaraalkii ugu horeeye ee yeelato Soomaaliya isla markaasna ahaa taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Janaraal Daauud wuxuu ku dhashay tuulada Mareeg ee ka tirsan gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu ku dhameeye aqoontiisa Qur'aanka asagoo da' yar ah. Muddo sanad ah asagoo ka shaqaynaya xaafiiska Talyaaniga ee degmada Buuloburde ayuu wuxuu u gudbay magaalada Muqdisho, xoogaa kahor intaan la gaarin Dagaalkii Labaad ee Aduunyada. 1943dii wuxuu ku biiray Ciidamada Booliska ee Ingiriiska oo markaas haysta koonfurta Soomaaliya, Janaral Daauud waxaa uu ka gaaray shaqadiisa ilaa barre (macalin) tababare ka ah Dugsiga Booliiska ee Xamarjajab.