Radio Bar-kulan

Ka Wikipedia

Bar-kulan waa raadiye bulshada u adeega, baahiyana warar dhexdhexaad ah iyo barnaamijyo ku qotoma dhaqanka, nabadda, horumarka Soomaaliya iyo Soomaalida Qurbaha. Sidoo kale raadiyuhu wuxuu barnaamijyo madaddaallo ah ku baahiyaa bogga ama website-ka www.bar-kulan.com. Bar-kulan waxaa laga dhageysan karaa Mowjadda FM-ka 92.0 ee Muqdisho,Kismaayo,Baladweeyne,Baydhabo Livestream oo bogga idaacadda laga dhageysan karo meel kasta iyo Thaicom 5 Satellite. Bar-kulan Mar Walba iyo Meel Kasta.