Robert Mugabe

Ka Wikipedia
Robert mugabe

Robert Mugabe magiciisa oo afka ingiriisiga kuqoran oo dhamaystirani waasidan Robert Gabriel Karigamombe Mugabe ( 21- 02_1923 waa madaxwaynihii labaad ee wadanka Simbaabwi waxa uu jagada madaxwaynanimada qabtay (1987-2017).

21 November 2017, Mugabe resigned.

DHaqdhaqaaqii ZAPU[wax ka badal | wax ka badal xogta]

halgamaagii waynaa ee sinbabwi Joshua Nkomo ayaa waxa uu aasaasay dhaqdhaqaaqa gobonimadoonka ah ee looyaqaanay marka magaca loosoogaabiyo, (ZAPU) sanadku markii uu ahaa 1961 kadib waa lamamnuucay jabhadaas oo waxaa lagu daray liiska dhaqdhaqaaqyada la mamnuucay 1962 sanad kaliya markii ay jirtay taas oo sababtay in ay burburto oo ay kala furfurato waxaana halkaas kadhashay dhaqdhaqaaqa kale ee lamagac baxay (ZANU) taas oo uu hogaamiye u noqday robert mugabe

Waxbarashadiisii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xiliga uu waxbarasho aaday waxa ay ahayd mid gaaban isla markiiba waa uu kamidnoqday jaamacada (fort hear) oo kutaala koonfurta afrika waxana uu ka qalinjabiyay sanadii 1951 waxa uu jamacadaas kula kulmay hogaamiyayaal afrika markii danbe hogaamiayay waxana kamid ahaa hogaamiyihii waynaa ee tansaniya, Julius Nyerere wuu siiwatay waxbarashadiisii jaamcada oo waxa uu ku biiray jaamacad waxa uu qaatay shahaadooyin dhawra waxa uu kamid noqday jaamacado badan

Kusoolaabashaddii wadankiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

wadankiisii waxa uu kusoo noqday sanadii 1960 waxa uu markiiba kubiiray xisbiga dimuquraadiga wadaniga ee halkas kajiray islamarkiiba xisbigaas waa lamamnuucay kadib waxa uu kubiiray dhaqdhaqaaqa (ZANU)

sanadii 1964 ciidamada gumaystihii ingiriisku waxa ay xudhxidheen dhamaan hogaamiyayaashii madawga ahaa ee rodisa oo uu kamidyahay robert mugabe waxaanay galeen jeel aykujireen mudo kudhaw 10 sano halkaas jeelka dhexdisa ayuu robert mugabe kubartay cilmiga sharciaga

siidayntii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sanadii 1974 ayaa lagasiidaayay jeelka waxa uu aaday xagaas iyo wadanka Musanbiig waxa uu hogaamiye dagaal u noqadau jabhada Zanu oo ay shiinahahu taakuleeynayeen

doorashooyinkii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

mugabe waxa uu wadankkiisa kusoo laabatay markale sanadii 1974tii halkaas oo aad iyo aad loosoodhaweeyay kadib waxa uu isusharaxay raysal wasaare waanuu ku guulaysatay waxaanuu noqday qofkii madoobaa ee ugu horaayay ee jagadan kaqanta wadanka sinbaabwe